Hargeysa (CH)- Maamulka Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Berbera, ayaa masuuliyadda sicir-bararka ku yimi Shidaalka dusha u saaray shirkadaha soo-dejiya shidaalka iyo ganacsatada tafaariiqday ah ee meheradaha lagu iibiyo ku leh magaalooyinka dalka, waxaanu hadalkiisa oo u muuqda eedayn uu dusha ka saarayo shirkadaha ka ganacsada shidaalku u muuqataa mid iftiiminaysa sida uu ugu fashilmay masuuliyaddii uu qaranka u hayey, maadaama uu yahay masuul ka tirsan wasaaradda ganacsiga Somaliland.
Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Cali, ayaa sheegay inay ganacsatada iyo shirkadaha dalka keena shidaalku horseed u yihiin sicir-bararka shidaalka, gaar ahaan Baatroolka, oo muddooyinkii u dambeeyey isbeddel dhinaca qiimaha ahi ku yimi, in kasta oo sida uu maamuluhu sheegay aanay jirin shidaal-yaraan dalka ka jirta, haamaha keydka shidaalka ee Berberana uu ku jiro shidaal ku filan dalka.
Sheekh Saleebaan Siciid Cali waxa uu iftiimiyey inay jiraan caqabado aan hore u jirin oo wakhtigan la soo gudboonaaday shirkadaha dalka keena shidaalka.
“Badeecooyinka inoo yimaadda ee aynu helno xillina way kala go’aan xillina way yaallaan. Shirkadaha inoo keena Shidaalka (Baatroolka iyo Naaftada) waxa hadda shaqeeya lix shirkadood.
Baatroolku wuu yaallaa oo inagama go’in, annaguna waanu haynaa, laakiin sidii uu inoo soo gaadhi jiray ayey maraakiibtii ka gaabisay inuu u yimaaddo iyo arrimo u gaar ah shirkadaha,” ayuu yidhi maamulaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.
Sheekhu waxa uu xusay in ganacsatada iyo Shidaalka Shidaalku ay sabab u yihiin qiimaha ku kordhay Shidaalka, gaar ahaan Baatrool, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Baatroolka inoo yimaadda tayadiisa inaanu ilaalino annagay na saaran tahay masuuliyad ahaan, waanu yaalaa. Baatroolka hal Dollar baa ku kordhay oo toban dollar baa la siin jiray. Waa layska garanayaa oo ninka ganacsada ahi mar kasta ganacsigiisa dantiisa ayuu eegayaa. Haddii kaligii uu hayo baatrool ama baatroolkii yaallay uu arko shirkadihii kale inaanay haynin, kolley waxbuu ku darayaa sicirka,” ayuu yidhi Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Berbera.
Qiimaha lagu iibiyo Baatroolka oo ay ku shaqeeyaan inta badan gaadiidka lagu isticmaalo Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey kor-u-kac ku yimi qiimihiisa, waxaanay ganacsatada iska leh kaalmaha iibiya shidaalku ku sababeeyeen isbeddel ku yimi suuqyadii shidaalka looga soo iibin jiray Somaliland oo qiimahoodu ka hooseeyey Qiimeyaasha Suuqyada Adduunka.
“Baatroolka markii hore waxaynu ka soo iibsan jirnay Shidaal Ururis ah oo laga keeno waddamada Carabta, kaas oo lagu ururin jiray deked yar oo ku taala Imaaraadka Carabta, waxaana wada shaqaysan jiray oo laga soo iibsan jiray Niman Carab ah iyo Soomaali, Nimankii waa la xidh-xidhay, dekeddii yarayd ee ay ka soo dhoofin jireena waa la xidhay, markaa halkaas ayaa shidaalka qaaligiisu ka yimi,” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Mulkiileyaasha Kaalmaha Shidaalka ku leh magaalada Hargeysa oo wariye ka tirsan Himilo dhowaan uga warramay qiime-bararka shidaalka.
Sidoo kale, Shirkadaha ka ganacsatada Shidaalka, ayaa iyaguna ku doodaya inaanu jirin wax isbeddel ah oo ku yimi qiimaha Shidaalka iyo Suuqyada ay ka soo iibsadaan oo ku yaala magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com