Hargeysa (CH)- Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay oo maanta socdaal ku yimi Somaliland, ayaa ballan-qaaday inay Qaramada Midoobay kor u qaadayso taageerada ay siiso Somaliland isla markaana ay xoojinayaan Xidhiidhka u dhexeeya xukuumadda Somalilan xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM.
Socdaalka uu danjire Nicholas Kay ku yimi Somaliland oo noqonaysa markii labaad ee uu dalka ku yimaaddo, ayaa ka dambeeyey marti-qaad xukuumaddu u fidisay, ka dib markii khilaaf dhinaca xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ahi dhexmaray labada dhinac badhtamaha sannadkii hore oo uu socdaal ku yimi Hargeysa, wakhtigaas oo xukuumadda Somaliland saluugtay qorshaha uu damacsan yahay inuu xidhiidh kula sameeyo Somaliland oo meeqaam ahaan aad u liitay, arrintaas oo sababtay in madaxweyne Siilaanyo dalka ka mabnuuco Nicholas Kay iyo xafiis uu doonayey inuu ka furto magaalada Hargeysa.
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay oo sannad ka dib shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa uu sheegay in muddada uu booqashada ku joogo Somaliland uu kulamo la qaadan doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire oo ka wada-hadli doonaan fursadaha lagu kordhin karo waxqabadka Qaramada Midoobay ee dhinaca nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dadka reer Somaliland.
HALKAN KA DAAWO