Wasiirka Caafimaadka iyo Duqa Caasimadda oo faahfaahiyey ujeeddada ay ka leeyihiin Dhul Wasaaraddu leedahay oo eedo loogu jeediyey

0
243

Hargeysa (CH)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shalay faahfaahin ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay Wajahadda hore ee Wasaaradda Caafimaadka, gaar ahaan Jidka Wadnaha iyo Dhismaha Wasaaradda dhexdooda oo dhawaan ay dawladda hoose ka rartay dad dan-yar ah oo ku ganacsan jiray, isla markaana Sees laga jeexay oo ay wararka qaar sheegeen in dawladda hoose ee Hargeysa dad gaar ah ka iibisay.

wasiir-XaglatoosiyeHase-yeeshee, Wasiirka Caafimaadka iyo Maayerka Caasimadda oo shalay Warbaahinta kula hadlay goobta Wajahadda hore ee Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Hargeysa, markii ay dadkii ku ganacsan jiray qaarkood halkaas cabasho la yimaaddeen ka dib, ayaa sheegay inaanay jirin cid gaar ah oo la siiyey iyo cid laga iibiyey iyo ujeeddo lagu qaadanayo dhulkaas oo jirtaa midna, balse ay dawladda hoose ee Caasimaddu maal-gelinayso quruxinta iyo bilicda goobtaas oo ay Beer ka beerayso, iyagoo labada Masuul Goob Cagaaran oo ay sheegeen in halkaas laga dhisayo ay wada-jir u dhagax-dhigeen.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye oo goobtaas Warbaahinta kula hadlay waxa uu yidhi; “Dhulkan Wejahadda Wasaaradda Caafimaadka oo ay leedahay Wasaaradda Caafimaadku, dawladda hoosena ay masuul ka tahay, waxa uu Maayerka magaalada Hargeysa naga codsaday meeshan oo wajahad wayn ah meel muhiim ahna ku taalla ay dawladda hoose qurxinteeda maal-geliso, annana waannu u oggolaannay. Maaha meel dhismayaal laga samaynayo sida dadka qaar borobagaandada ka dhigayaan war barnaamij baa ka dambeeya iyo dawladda hoose ayaa qaadanayso iyo waxaas waxba kama jiraan, meeshan ayay eegan kari waayeen fool-xumadeeda, taasaana keentay inay Beer ka dhigaan qurux badan oo Indhaha soo jiidata.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey inay dadka dan-yarta ah ee gobota laga raray ku cabanayaan in lagu tacaddiyey meel la geeyey ama loo qorsheeyey-na jirin, isla markaana dad gaar ah la siinayo ama laga iibiyey goobtaas oo Ganacsiyo laga dhigayo iyo waxa uu kaga jawaabayo, ayaa yidhi; “Hudheel laga dhisayo iyo guri laga dhisayo iyo hawl kale oo laga dhisayaa midna ma jirto, Wasaarad ahaanna ma oggolaanayno, dhulkanna way jiraan dad dan yar ah oo ku ganacsanayey, laakiin Wasaaradda Caafimaadka ayaa iska leh.”

Sidoo kale, Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Qofka halkan odhanaya waxbaa laga dhisayaa isagaa damiir-laawe ah, waa Cusbitaalkii guud, waa Wasaaraddii Caafimaadka, haddii aynu nidhaahno meel Cagaaran hallooga dhigo ninka leh waa la iibinayaa isagaa Damiir-laawe ah, isagaana ka jawaabi doona.”

OLYMPUS DIGITAL CAMERADuqa Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan-Soltelco oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay dawlad hoose ahaan ku tacaddiyeen dad dan-yar ah oo barxaddaa ku ganacsan jiray oo goobta cabasho la yimi, sheegayna inaanay meelna ugu talo-gelin, woxoodiina la baa’bbiyey iyo waxa uu ka odhanayo tacaddigaas, ayaa sheegay inay habboon tahay in qof waliba goobta uu doonayo inuu ku ganacsado marka hore ka fiirsado.

Waxaanu Maayerka Hargeysa oo su’aashaa ka jawaabayaa yidhi; “Ummaddu waa wada dan-yar, qofkuna haddaanu eegin meeshu degayo waa dhib, haddaynu nidhaahno Cusbitaalka hallagu ganacsado suuragal maaha, waa inuu qofku degaa bar uu leeyahay ama goobaha Ganacsiga, waayo waxaannu samaynay Suuqyo ganacsi oo lagu ganacsado, halkanina waa Cusbitaalkii guud, dad Wadnuhu xanuunaya ayaa jiifa, dad badan oo bukaan ah ayaa jiifa, haddii maalin walba la yidhaahdo Sandaqad hallagu dul-dhiso socon mayso ee dhib bay keenaysaa.”

Mar Maayer Soltelco, wax laga weydiiyey inay ku doodayaan inay Bilicda goobtaas Wasaaradda Caafimaadka Wajahaddeeda ka dhigayaan mid Cagaaran sida uu sheegay, isla markaana ay Caasimadda Hargeysa ee la ciir-ciiraysa Xashiishka goob kasta lagu arko waxay wax uga qaban-waayeen, ayaa isagoo su’aashaa ka jawaabaya waxa uu ku dooday inay wax badan ka qabteen Qashinka magaalada, isla markaana ay Shirkadihii hore magaalada Xashiishka uga guri jiray beddeleen, kuwo cusub-na ku wareejiyeen hawshaas, kuwaasoo uu xusay inay si ka fiican sidii kuwii hore u nadiifiyaan Qashinka, Gaadiidka ay Shirkaduhu ku hawlgalaanna ka kordhiyeen tiradii hore, dawlad hoose ahaanna ay halkaas ka sii wadi doonaan dedaalkooda nadiifinta Caasimadda la xidhiidha sida uu Maayer Soltelco sheegay.

CODKAHARGEYSA.COM/Hargeysa