Muwaadin Soomaaliyeed oo Markii u horeysay Hirgeliyey Barnaamijyo Dadku Telefoonada kala socon karaan Wararkii, Heesihii, Muxaaradooyinkii iyo suugaantii oo meel laysugu keenay (FURSAD QAALI AH)

0
356

AbdiasisLondon (CH)- Aqoonyahan da’yar oo u dhashay Somaliland, ayaa markii u horeysay bulshada Somaliland ee isticmaasha telefoonada gacanta lagu qaato nooca loo yaqaano SMART PHONES u hirgeliyey adeeg cusub oo ay kula socon karaan Wararka, dhacdooyinka, Madadaallada, Muuqaallada iyo codadkaba.

Aqoonyahanka Adeeggan suurta-galiyey oo lagu magacaabo AbdiAziz A. Jama, isla markaana shahaadada heerka labaad ku qaadday Culuumta Tiknoolajiyadda Casriga ee IT-ga, ayaa adeeggiisani u suurta-galinayaa inay dadku telefoonnada gacanta kala socdaan Barnaamijyo lagu soo ururiyo dhammaan shabakadaha Wararka, Godadka laga daawado ama laga dhegayso Muuqaallada iyo Codadka nooc walba, kuwaas oo shaqaynaya telefonkaaga gacanta ee ku shaqaynaya Barnaamijka loo yaqaano Andriod-ka ee Moobiladu ku shaqeeyaan.

Adeeggan loo yaqaanno Applications (APPs), aad internetka kala soo degayso, adiga oo isticmaalaya telefoonada gacanta nooca loo yaqaano SMART PHONES ee ay ka mid yihiin LG, SAMSUNG, SONY, MOTOROLA, kuwaas oo aad kala socon karto barnaamijyo lagu xardhay magacyada wararka deg-degg ah, Breaking News About Somaliland, Somali, Video, Audio Webiste Link, Dhegayso Radio Hargeysa, Youttube, SMS Recording News, Facebook, Somaliland National, Goleyaasha, Dastuurka iyo Qaar kale oo badan.

Haddaba, waxa la ogeysiinayaa dhammaan umadda Afka Soomaaliyga ku hadasha, gaar ahaan shacabka Somaliland gudo iyo dibad-ba inay kala socon karaan wararka dalka Barnaamijkyada uu Farsamo=yaqaanka Aqoonyahanka ahi suurta-galiyey, waxaanad kala soo degi kartaa barnaamijyada GOOGLE PLAY MARKET ama ANDRIOD, adiga oo ku baadhaya Somalilandnews.

Ama Guji Link-gan Hoose

https://play.google.com/store/apps/details?id=com.soomaliland&hl=en