Fu’aad Aadan Cadde oo Calaamatul Su’aan Geliyey ka sii mid ahaanshihiisa Somaliland (WARAYSI)

0
299

fu'aadHargeysa (CH)- La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay warar lagu sheegay in uu ka daba-tagay  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo u goostay dhinaca maamul-goboleedka Puntland.

Fu’aad Aadan Cadde oo ku sugan miyiga degmada Xuddun ee gobolka Sool oo uu ku sugnaa muddooyinkii dambe, ayaa warar lagu faafiyey mareegaha Internetka qaarkood ku xidhiidhiyeen inuu isu-diyaarinayo sidii uu ugu goosan lahaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ka dib markii uu todobaadkan u gacan galay maamulkaas wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade oo shalay lagu soo dhaweeyey magaalada Garoowe.

Fu’aad Aadan Cadde oo la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya in uu u tegay  dhanka Maamul goboleedka Puntland kana goostay Somaliland maalin ka dib markii lagu soo dhaweeyay Puntland Axmed Cabdi Xaabsade oo hore u ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Somaliland laakiin xil ka qaadistiisa ka dib ka baxay Somaliland, waxa ku jawaabay, “Horta imika waxaan ku suganahay miyigii oo reerkii ayaan la joogaa iyo odayaashii laakiin warkaa imika ka hadli maayo,” ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde.

Fu’aad Aadan Cadde oo aanu mar labaad weydiinay imika waxa uu kaga jawaabayo in uu Puntland u galay kana tegay Somaliland, sida warbaahintu qortay, ayaa mar kale ku celiyay oo yidhi, “Waxaan hadda arrintaa ka odhanayaa ma jirto laakiin mar kale ayaan ka hadlayaa.”

Fu’aad  oo aanu mar kale waydiinay in uu Somaliland siyaasiyan quus uga taagan yahay waxna diidan yahay ayaa mar kale ku adkaystay oo yidhi, “Taana ka hadli maayo laakiin arrintaa warkeeda dib ayaan ka sheegi doonaa.”

Fu’aad Aadan Cadde oo lagu yaqaanay hadal caddaan iyo in aanu hadalka la gabban oo waxa uu diidan yahay mar walba ka hadla, ayaan arrintn uga hadal sidii lagu yaqaanay isla markaana in uu goostay  oo uu Puntland galay iyo in uu Somaliland uu aaminsanaa ku adagyahay midnaba aan sheegin.

Hadalka maldahan ee uu kaga jawaabayFu’aad Aadan Cadde  weydiinta su’aashan,ayaa u muuqata mid ku lammaan mawqif siyaasadeed oo wali aanu diirka ka qaadin isla markaana soo bixi doona maalmaha soo socda waxase aan la garanayn in uu ku adkaysan doono mawqifkiisii Somalilander-ka ahaa iyo in uu u ka daba-tegi doono Axmed Cabdi Xaabsade.

Xigasho: Gudgudenews.com