War Deg-deg ah: Magacyada Siddeed Askari oo lagu Xidhay Burco iyo Sababaha loo aanay Xadhiggooda

0
308

Burco (CH)- Askari ka tirsan Ciidanka Booliska ee magaalada Burco oo warbaahinta cabasho ugu gudbiyey madaxweynaha Somaliland, ayaa caawa loo dhaadhiyey xabsiga Dhexe ee magaaladaas, ka dib markii lagu eedeyey inay sifo shuruucda Ciidamada ka baxsan uga hadleen warbaahinta.

Dhowr iyo toban Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska magaalada Burco isla markaana xaasaskoodu deggen yihiin guryo ku yaala saldhigga Dhexe ee booliska oo ku dhag-san dugsiga Sare ee Sheekh Bashiir, ayaa todobaadkan warbaahinta cabasho ugu gudbiyey madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ka dib markii sida ay dawladda hoose ku war-gelisay inay ka baxaan guryaha ay ku jiraan oo laga iibiyey dad ganacsato ah meherado ka samaysanaya.

Guryaha ay ku jiraan Askarta ka tirsan booliska, ayaa loogu talo-galay inay u hoydaan Askarta ka hawl-gasha saldhigga Boolis oo ku yaala meel dhowr iyo toban mitir u jirta dugsiga sare ee Sheekh Bashiir, kuwaas oo ku yaala xagga dambe ee Saldhigga, waana dhismayaal ilaa wakhtigii dawladdii Siyaad Barre ay isticmaali jireen Askarta ka hawl-gasha saldhiggaas oo ku yaala faras-magaalaha Burco.

Todoba Askari oo haweenay ku jirto, ayaa ciidamada booliska ee Burco caawa gacanta ku dhigeen, ka dib markii ay ugu daadeen guryaha ay ku jiraan ee lagu amray inay khasabka kaga baxaan iyada oo aan loo diyaarin ama loogu beddelin dhisme ama dhul bannaan, halka siddeedda kalena oo aanay ciidamadu ku guulaysan soo qabashadooda ay wali raacdadooda ku daba-jiraan.

Askarta caawa xabsiga loo taxaabay, ayaa magacyadoodu kala yihiin; Ismaaciil deero, Saalax Aw-Nuux, Cabdirisaaq Aadan, Sakariye Axmed, Maxamed Cabdi Maxamed, Askari magaciisa lagu sheegay Ina Fagje iyo Aamina Xirsi. Waxa kale oo wararku intaas ku dareen in markii dambe la qabtay Askari Siddeedaad oo ka mid ahaa 15-ka Askari ee cabashadooda u gudbiyey madaxweynaha.

Dawladda Hoose ee Burco, ayaa lagu eedeeyey inay  u soo jeesatay iibinta dhulka danta Guud ah iyada ilaa immika la xaraashay goobo tiro badan oo wakhtiyadii hore ahaa Dhismayaal ama dhul dawladeed.

Maamulka gobolka Togdheer iyo degmada Burco, ayaa dhawaan sheegay inay xaraashayaan guryaha iyo dhulka bannnaan ee dawladda si looga faa’ideeyo dadka ganacsatada ah, arrintaas oo dareen sac leh ku abuurtay bulshada magaalada Burco.

Tallaabada dawladda Hoose ee Burco ugu soo jeesatay xaraashka dhulka Dawladda oo xurguf ka dhex-abuurtay saddex wasaaradood oo dhulkii iyo dhismeyaashii gobolka ay ku lahaayeen saamaysay, ayaa shaki hore iyo tuhunno daaha dabadiisa laga hagayo ku abuurtay bulshada magaalada Burco, ka dib markii dawladda Hoose oo kaashanaysa maamulka gobolka, ay shaaca ka qaadday inay xaraashayso dhismeyaal iyo dhul ay leeyihiin wasaaradaha Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Arrimaha Gudaha.

Si kastaba, ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqyada dhul-boobka ah ee ka dhex-curtay maamulka dawladda hoose, ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo iska-horimaad shacab iyo dawladda Dhexe, haddii aanay soo kala dhex-galin Dawladda Hoose iyo Shacabka magaaladaas oo inay isku baxsadaan looga cabsi qabo.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM