Hargeysa (CH)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa shalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, kaas oo guddiga doorashooyinku ugu gudbiyeen xaddiga lacageed ee ku baxaya diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Kulanka dhexmaray Wasiirka Maaliyadda iyo Guddiga Doorashooyinka, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid labada dhinac kaga wada-hadleen sidii loo hirgelin lahaa saamiga miisaaniyeed ee Xukuumaddu ku bixinayso diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka Madaxtooyada iyo golaha Wakiillada oo la filayo dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda, kuwaas oo kharashka ku baxa intiisa badan ay bixiyaan qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinaca Doorashooyinka.
HALKAN KA DAAWO