Nuxurka Qodobbo lagu soo Afjaray Khilaaf u dhexeeyey Hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA

0
327

Hargeysa (CH)- Guddi iskeed isu-xilqaantay oo ka kooban waayo-aragga bahda Saxaafadda Somaliland, ayaa soo saaray go’aamo ay ku soo af-jareen khilaaf sharci oo u dhexeeyey garabyada Isku hayay hoggaanka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo ku kala qaybsamay sharcinnada hoggaanka ururka

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf oo dhinac ah, Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Maxamed-rashiid Muxumed Xasan oo dhinac ah, ayaa khilaafkoodu soo if-baxay markii todobaadkan ay soo kala saareen laba Guddi oo loo kala xil-saaray qaban-qaabada shirweynaha shanaad ee SOLJA, iyada oo xubnaha guddiga fulinta ee ururkuna ay la kala safteen garabka Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud.

HALKAN KA DAAWO