Heshiis Guul-darro siyaasadeed iftiiminaya oo Qasriga Madaxtooyada ku dhexmarya Siilaanyo iyo Muuse Biixi

0
331

Muuse Biixi oo Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta lagaga saxeexay Heshiis u muuqday in aanu Raalli ka ahayn

Hargeysa (CH)- Madaxweyne Siilaanyo, ayaa shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ku marti-qaaday Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaana shirkaas oo u muuqday mid siyaasadaysan oo lagu soo dabay Muuse Biixi laga shaaciyey heshiis is-laab xaadhasho ah oo dhexmaray garabyada khilaafku hadheeyey ee Xisbiga Kulmiye.

DSC_0101Kulanka maanta madaxtooyada ku dhexmaray hoggaanka Kulmiye iyo garabka xisbiga ee Xukuumadda, waxa goob-joog ka ahaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo dhammaan golaha Wasiirrada, waxaana dhinaca goob-joog ka ahaa ahaa guddoomiye Muuse Biixi Cabdi. 

DHEGAYSO CODKA

CODKAHARGEYSA.COM