Borama (CH)- Ciidamada Bilayska magaalada Borama ayaa maanta gacanta ku sooo dhigeynin ku labisan dharka dumarka.
Ninkan waxa ciidamada booliska u ku wargelisay haweenay khudaar ku iibisa sariimada xaafada Axmed Guray ee magaalada Borama, kadib markii ay aragtay ninkan oo xidhan jilbaab iyo niqaam kana adeeganaya suuqa .
Taliyaha ciidamada Bilayska Ee G.Awdal Cabdi Barkhad Khayre Mr.Arawelo, oo warbaahinta u waramayay ayaa waxa uu sheegay in ay ninkan hada baadhitaan ku hayaan islamarkaasina wixii kukalifay in uu labiskan xidho la ogaandoono, balse hada aanu jeclayn in uu ka hordhoco baadhista.