Hargeysa (CH)- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ku eedeeyey inay ku-takri-falayso Dhul Dan guud ah, gaar ahaan Dhul loogu talo-galay in laga hirgeliyo Waaxda Macallin Haaruun oo ka tirsan Degmada Gacan-libaax ee Caasimadda Hargeysa, kaasoo ay dhawaan dawladda hoose ku wareejisay Wasaaraddaas.
Xildhibaannadaas oo kala ahaa Xildhibaan Axmed Cali Haybe iyo Ilyaas Aw Jaamac Xuseen, ayaa sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo ay labadoodu shalay ku wada-qabteen Hoolka Shirarka xarunta dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa, waxaanay sidoo kale kaga hadleen duullaan ay sheegeen in lagu damacsan yahay in lagu xad-gudbo ama ay dad gaara oo sharciga jebinayaa ku rabaan inay dhismayaal kaga hirgeliyaan labada Buurood ee Naasa-Hablood oo ah Astaanta Caasimadda iyo weliba Golaha Deegaanka Hargeysa, taasoo ay sheegeen inay cid kasta oo isku dayeysa inay u dhaafto 1200-Mitir, laga qaadi doono tallaabo Sharciga waafaqsan.
Xildhibaan Axmed Cali Haybe oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Garoon loogu talo-galay Ciyaaraha oo ku yaalla Waaxda Macallin Haaruun, Garoonkaas oo ay dawladda hoose ku wareejisay Wasaaradda Ciyaaraha, ayaa sida ay illaa shalayba na soo gaadhsiinayeen Dhalinyaradii Xaafaddaas ama deegaankaasi, in Wasaaradda Ciyaaruhu ay dad siisay qayb ka mid ah Garoonkaas oo ay tidhi; ‘waa la isku dhisayaa’ sida ay ku cabanayaan Dhalinyarada Waaxdaasi.”
“Anigoo ku hadlaaya Guddiga Arrimaha Bulsahda, Waaxduna ay tahay Waaxdii la iga soo doortay aniga ama aan ka soo jeedo, Shuruucda iyo Qawaaniinta dawladda hoose u taalla-na dhulka aannu Wasaarad ku wareejinno ee loogu talo-galay wax go’an aanay iyadu kutakri-fali karin, sida aannaan ugu tagri-faki karin haddaannu dawladda hoose nahay dhulka Shacabka ee ay dawladda dhexe Maamusho. Waxaannu leeyahay yaan la qaldamin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Cali Haybe.
Waxaanu Xildhibaan Haybe oo hadalkiisa sii wataa intaas ku daray oo uu yidhil; “Arrinkaasi waa arrin aad u fool-xun, Garoon baa dhulkaa loogu talo-galay, Garoonkaa loogu talo-galay ayuun buu noqonayaa, ninkii isku daya inuu wax kale ka dihgo yuu isku dayin ka dhigi kari maayee, haddii cid la siinayo dawladda hoose ayaa xaq u leh bixinta dhulkaas, Wasiir hadduu dhul bixinayo ha bixiyo dhulka Shacabka ee ay dawladda dhexe gacanta ku hayso.” Waxaanu Xildhibaanku ka hadlay inaan la aqbali karin ku-xad-gudubka Buuraha Naasa-Hablood.
Sidoo kale, Xildhibaan Ilyaas Aw Jaamac Xuseen oo isaguna Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa Cambaaraynta iyo Baaqa uu Xildhibaanka kale kala sinnaa ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ku waajahan ka sokow, waxa uu sheegay inay dadka Hantida haysta iyo kuwa magaca leh ay yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ee dhulka ku haya Gole deegaan ahaan, isla markaana nin Lacag haysta iyo Nin Magac leh uun ay khaati ka joogaan oo ay goosanayaan goobo aan dhismayaal loogu talo-gelin iyo Buuraha ay Seeska ku xidhanayaan.
“Waxaad arkaysaa dad ku odhanaya Buurtaa Hebel baa leh, isaga oo aanu ka lahayn ee ay Buuruhu yihiin wax ay dadku wada leeyihiin ee aan cid gaar ahi sheegan karin. Waxaannu soo gaadhnay iyada oo Buuraha la qorsheeyey oo Laagaha la qorsheeyey. Maayerku Cabdiraxmaan-Soltelco, waxa uu ka soo saaray Digreeto uu ku sheegay in la waafajinayo Xeer Lambar 17 oo Buur iyo Laag midna aanay ahayn meel dad gaar u leeyihiin ama ay cidi sheegan karto, arrinkaasi in dawlad dhexe iyo dawlad hoose-ba la is-waafajiyo oo Xeerkaas Lambar 17 ee Baarlamaankeenna ka soo baxay ee Digreetada Madaxweynihii hore ku soo saaray in laga shaqaysiiyaa waa muhiim.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ilyaas Aw Jaamac.
Waxaanu Xildhibaan Ilyaas oo ka hadlaya dhaqdhaqaaqyo uu sheegay in dad ku doonayaan inay ku yeeshaan ama dhismayaal kaga hirgeliyaan labada Buurood ee Naasa-Hablood, waxa uu yidhi; “Sida Xildhibaanka iga horreeyey-ba sheegay labada Buurood ee Naasa-Hablood waxa weeyaan Astaanta ama caalamadda Caasimadda Hargeysa ama astaanta u gaarka ah dawladda hoose ee Hargeysa, 1200 oo Mitir ayaa loo xadeeyey inaan loo dhaafin dhinacna, sida uu Maayerku hore Digreeto ugu soo saaray, waxaannu annagu uga digaynaa oo aannu Warbaahinta u marinaynaa ciddii ku soo xad-gudubta ee 1200MT u dhaafta tallaabo Sharci ah ayaa laga qaadayaa, looma dul-qaadanayo, sida uu Maayerku sheegay, annaguna aannu immika ku celinayno, waayo sanqadhaa na soo gaadhaya, ee halla joojiyo baannu leenahay.”
Xildhibaan Ilyaas waxa uu sheegay in sidoo kale Boob lagu hayo Waddooyinka kala duwan ee Xaafadaha degmooyinka Caasimadda Hargeysa, waxaanu dadweynaha ugu baaqay in waddooyinka wada-jir loo ilaashado oo aan la isku deyin in lagu siqo, isagoo xusay inay dhawr iyo labaatan Dayr ka dumiyeen waddada laga hirgelinayo inta u dhaxaysa Xaafadaha Gol-janno iyo Daami ee magaalada Hargeysa oo uu tilmaamay inay dadweynaha ku dhaqan Xaafadahaas ee ay Dayrarka ka dumiyeen ku qanacsanaayeen samaynta waddadaas oo ay iyagu gacantooda kula duminayeen dadkii marka hore dhistay Dayrarkaas, waxaanu soo jeediyey inay dadka kale ee reer Hargeysana ku daydaan dadkii Xaafadahaas.
Codkahargeysa.com
info@codkahargeysa.com