Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD

0
385

Hargeysa (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka.

DSC_0013Weftiga ka socda Urur-goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee IGAD ugu xil-saaran Arrimaha Soomaalida, Maxamed Cabdi Afey, ayaa maalmihii u dambeeyey kulamo kala duwan la qaatay Madax kala duwan oo ka tirsan Dawladda oo ay ka mid yihiin Shir-guddoonnada golaeyaasha Baarlamaanka iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda.

Kulanka maanta dhexmaray madaxweynaha iyo weftiga IGAD, waxa qodobbadii laga wada-hadlay ka warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo hoggaamiyaha Weftiga IGAD Maxamed Cabdi Afey.

HALKAN KA DHEGAYSO