Khasaaraha Nololeed iyo Dhaqaale ee Falastiiniyiinta iyo Israel ka soo gaadhay Dagaalka Qaza

0
363

Hargeysa (CH)- Xaaladda Magaalada GAZA ayaa shalay ka duwanayd sidii looga bartay Afartii todobaad ee u dambeeyey oo Milatariga Isra’iil ka wadeen hawl-gallo milatari oo galaaftay shacab tiro badan iyo hanta badan oo lagu burburiyey duqeymo Cirka iyo dhulka kaga socday ilaa 8-dii bishii hore.

GazaMilateriga dawladda Yuhuudda, ayaa shalay sheegay inay gabi ahaanba ka baxeen fadhiisimadii ay ku lahaayeen Magaalada Gaza, iyaga oo u guuray meel wax yar u jirta xadka Israa’iil la wadaagto Marinka Gaza.

Kadib dhimashada in ka badan 1,800 oo dad rayid ah u badan, dadka reer Gaza ayaa murugo iyo xannuun kale la soo dersay, markii ay arkeen bur-burka iyo waxyeelada loo geystay guryahoodii iyo hantidii Magaalada dhex taallay ee diyaaradaha Yuduudu duqeeyeen.

Qaylo iyo sawaxan aan kala joogsi lahayn oo ka dhalatay gadoodka shacabkii ku soo laabtay magaalada, ayaa shalay ilaa shalay gelinkii dambe ka socday Gaza, waxaanay warbaahintu soo bandhigtay qoysas ku soo laabtay Guryahoodii oo la baabiiyey, wax ka noolina aanu jirin.

Qaar kale ayaa indhahooda ku arkay dhismeyaal lagu dumiyay eheladdoodii oo dhintay iyo hanti fara badan.

Ka bixitaanka Ciidamada Isra’iil ee Gaza ayaa qayb ka ah Xabbad joojintan lagu sheegay inay tahay mid  bani’aadannimo oo soco doonto muddo saddex maalmood ah.

Tirada Dadka ku dhintay Dagaalka

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegay in 1867 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay dagaalka Gaza  oo socday 29-ka maalmood. Dhinaca Yuhuudda, waxa kaga dhintay 63 Askari iyo 3 qof oo shacab ah oo midkood u dhashay Thailand balse ka shaqeynayay gudaha Isra’iil.

Wax yar ayaa hir galay xabbad-joojinno hore oo laga gaadhay xiisadda GAZA, waxaana socda dedaalo diblomaasiyaddeed oo la doonayo in fursadda degenaanshiyaha looga faa’idaysto si loogu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Inta badan dalalka Carabta iyo kuwa kale ee Muslimka ah ayaan wali soo dhaweyn xabbad-joojintan, laakiinse Masar ayaa ku tilmaantay talaabo horumar ah oo la qaaday.

Dawladda Masar ayaa ugu baaqday inay labada dhinacba ilaaliyaan sii socoshada xabbad joojinta wakhtiga ku xaddidan, waana mid ka mid ah baaqyada caalamiga ah ee xalka xiisaddan laga soo jeedinayo.

Inkasta oo Milateriga Yuhuuddu sheegeen inay bur-buriyeen tuumbooyin dhulka hoostiisa mara oo Xamaas kaga soo tuuraysay gantaalada, haddana xooggaga milatari ee Xamaas ayaa dhowr Gantaal ka riday Godadka dhulka hoostooda ku yaalla ee dhufaysyada u ah, taasoo meesha ka saartay sheegashada Ciidanka Yuhuudda.

Tan iyo 8-dii bisha July oo ciidamada Israa’iil duullaanka ku bilaabeen Gaza, waxa shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku dhaqan magaalooyinka iyo xeryaha Qaxoontiga ee Marinka Gaza ku dhacay in ka badan 4760 gantaal oo diyaaradaha Israa’iil la bar-tilmaameedsadeen, halka ay Xamaas gudaha Israa’iil ku ridday in ka badan 3.370 gantaal.

Khasaaraha Dhaqaale ee Dagaalka

Khasaaraha dhinaca burburka hantida iyo adeegyada bulshada ee duullaanka Israa’iil ka soo gaadhay Marinka Gaza, ayaa lagu qiyaasay inuu gaadhayo adduun dhan 6 bilyan oo Dollar, sida uu sheegay wasiir ku-xigeenka Dhaqaalaha ee Gaza, Taysir Amro.

Sidoo kale, dagaalka Gaza waxa uu khasaare dhinaca dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka ah u geystay dalka Isra’iil, marka laga yimaaddo dhaqaalaha ku baxay saannadda milatari ee ciidamada Yuhuudda.

Sida uu daabacay Wargeyska ugu caansan dalka Israa’iil ee Haartz waxa hoos u dhac ku yimi 40% Xooggii wax soo-saarka dalka Israel sababo la xidhiidha inaanay wershadahoodu haysan gabbood ku habboon in laga hoos-galo Gantaalada Xamaas ku ridaysay Israa’iil

Warbixinta lagu baahiyey Wargeyska, ayaa lagu sheegay in Israel ay khasaartay 950 Milyan oo Dollar saddexdii todobaad ee horeeyey xasuuqa ay ku hayso shacabka Gaza, isla markaana in boqolkiiba 70 hay’adaha dawladda, Wershadaha iyo Beeraha laga beero dalalgyada kala duwani aanay wax shaqo ah qaban tan markii uu bilaabmay dagaalka Gaza.

CODKAHARGEYSA.COM