Israa’iil oo Duullaankeeda Gaza ku burburisay 161 Masaajid

0
403

Gaza (CH)- Wasaarada Awqaafta ee dawladda Falastiin, ayaa shaaca ka qaaddatay inay Israa’iil duqeymo cirka, dhulka iyo badda ah ku burburisay  161 masaajid oo ku yaala Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta ee Falastiin Yousef Dois, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ay dhulka la simeen 41 masaajid halka 120 ka kalena qaybo ka mid ah la buburiyey muddadii ay ciidamada Yuhuudda hawl-galka Milatari ka wadeen Marinka Gaza oo sidoo kale lagu bartilmaameedaday goobo badan oo Diimeed.

masaajid_GazaWasiirku waxa uu sheegay inay Israa’iil uga faa’idaysanayso iyada oo ka war-haysa in dunida oo dhami isha ku hayso Gaza isla markaana ay u isticmaalay sidii ay uga joojin lahayd Muslimiinta doonaya inay ku cibaadaystaan Masjidul-Aqsa.

“Xaqiiqooyinkani waxay caddeyn u yihiin gabbood-fallada Diimeed ee lagula kacayo muslimiinta iyo goobaha ay ku cibaadaystaan,” ayuu yidhi Yuusuf.

Waxa uu ugu baaqay ururka iskaashiga Muslimiinta Caaalmka (OIC), oo ay ku midaysan yihiin waddamada Islaamka ah ee dunida, inay tallaabo wax ku-ool ah ka qaadaan Isra’iil dambiyada iyo ku-tumashada xuquuqda aadamaha ee ay sida joogta ah uga waddo Marinka Gaza, Daanta Galbeedka iyo magaalada Quddus.

CODKAHARGEYSA.COM