Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Urur-goboleedka IGAD u soo bandhigay Godaloolooyin ka jira Doorashooyinka Somaliland

0
269

Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey ku-xigeenkiisa labaad Md Cali Yuusuf, ayaa shalay kulan gaar ah oo warbaahinta dibad-joog ka ahayd xafiiskiisa kula qaatay wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo dorraad socdaal shaqo ku yimi dalka.

Xubnaha Weftiga IGAD ee shalay kulanka la qaatay Shir-guddoonka Wakiillada oo ay ka mid ahaayeen Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo u-qaybsanaha arrimaha Caafimaadka ee Ururkaas Dr. Axmed  Xasan Mataan, waxa ay shir-guddoonka Golaha Wakiillada ka wada-hadleen dhinacyada IGAD ka taageerayso Somaliland ee doorashooyinka, adeegyada horumarinta bulshada iyo xoojinta dhismaha haykalka dawladnimo oo baahiyaadka Goleyaasha Baarlamaanka ugu horreeyaan.

UntitledSharraxaad iyo faahfaahin weftiga IGAD ka bixiyeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland iyo waxyaabaha u qorshaysan inay ka taageeraan ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo hadalka qaatay, waxa uu Urur-goboleedka IGAD u soo jeediyey inay Somaliland ka caawiyaan ka-gudbista caqabado uu carrabaabay oo ku gedaaman doorashooyinka ka dhaca Somaliland.

“Waxaan IGAD  usoo jeedin lahaa Imika Baarlamaanka xiligiisu wuu dhammaaday markaa inay naga caawiyaan caawiyaan doorashooyinka soo socda oo wixii doorasho wanaagsan caawinayaba ay nala garab taagnaadaan waayo farsamo ahaan dhibaatooyin badanbaa jira sida meelaha fog fog oo kale malaha laydh taas oo keenta oo goobaha doorashooyinka hore loo xidho. Iyo inay goob joogayaal usoo diraan doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiillada oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii ay labada dhinac ka wada-hadleen.

Guddoomiye Cirro waxa uu hadalkiisa raaciyey, “Sida aad ogtihiinba Somaliland waa dawlada iyadu isa samaysay ilaa imika ma hesho wax caawimo oo toos ah, miisaaniyada Somaliland waxa markii uu baalamankani yimid waxay ahayd 40 milyan iyadoo imika maraysa ilaa 250 milyan intaas oo sixir bararkiina ag socdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxa uu weftiga IGAD u soo bandhigay baahiyaadka ka jira dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. “Xagga caafimaadka run ahaantii baahi aad u wayn baa ka jira oo waxaaba lagu garan karaa in Somaliland Hargeisa uu ka jiro hal dhakhtar oo Ingiriisku ka tagay magaalooyinka kalana  kasii liitaan, miisaaniyada yare ee Somaliland soo ururisaana 50% waxay ku baxdaa amaanka iyadoo  iyadoo 50% ka soo hadhayna aanu ku filayn qaybaha kale oo dhan,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmana Cirro.

Masuulka hoggaaminayey weftiga IGAD Maxamed Cabdi Afey oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Somaliland isla markaana ay IGAD u gudbin doonaan warbixin ku saabsan meelaha ay jiraan baahiyaadka u baahan in wax laga qabto, isla markaana ay urur ahan u qoondeyn doonaan Somaliland inay qaybteeda ka hesho maaliyadda ay ugu talo-galeen barnaamijyada horumarineed ee waddamada Geeska Afrika.

Codkahargeysa.com

info@codkahargeysa.com