Culimo Soomaaliyeed oo bayaan ay wada-jir soo saareen ku shaaciyey Taageero ay u Fidinayaan Shacabka Falastiin ee Dhiiggooda la daadinayo

0
271

Burco (CH)-  In ku dhow 40 ka mid ah Culimada Diinta ee reer gobolka Togdheer, ayaa si kulul u cambaareeyay xasuuqa Yuhuuddu ku hayso shacbiga reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka GAZA.

Bayaan ay ku saxeexanyihiin magacyada xubnaha culimo-awdiinka ah oo warbaahinta loo qaybiyay shalay, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ay ku tilmaameen aamusnaanta dunida Islaamku ku eegayso xasuuqa ba’an ee ka socda dhulka Falastiiniyiinta.

gazaBayaanka oo culimadu ku xustay inay Taageero intii awooddooda ah u fidinayaan shacbiga halkaasi Yuhuudu ku xasuuqayso, ayaa u qornaa sidan, “Sida la ogyahay, dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba’an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000. walina dagaalkii wuu socdaa , cirka iyo dhulka iyo badda ayaa hadh iyo habeen laga duqeeyaa , waxa u badan ee ku dhimanayaana waa dad rayiid ah oo isgu jira caruur iyo dumar . Reer Qazza waxay go’doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno , intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) . Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino , oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .. sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.

1- Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.

2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan ,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.

3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh , in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .

4-Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku.

Magacyada Culimada Bayaankan ku saxeexan

1-Sh Cali Warsmae

2-Sh.Yuusuf Cabdi Cawad

3.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire

 4. Suldaan Daakir Xassan Khaliif

5.Sh. Cabdilaahe Baashe

6-Sh. Cabdiqani Aw Saalax Cali

7-Sh.Dr Xasan Sh .Cali Warsme

 8–Sh. Siciid Xaaji Cismaan Maxmed

9- Sh. Cabdilaahi Khaliif Jaamac

10-Sh. Mustafe Aadan Mxamed

11- Sh . Cabdiwahaab Xaashi Xasan

12- Sh.Ibraahin Jaamac Axmed

13- Sh.Maxmed Shukri Xasan

 14- Sh.Cabdiqaadir Muuse Xasan

15- Sh.Jaamac Cismaan Axmed

16-Sh.Cismaan Ibraahin Faarax

17- Sh.Xusdeen Aadan Cali

18- Sh.Xasan Abokor Dhuuxyare

 19- Sh. Saleebaan Cali Daahir

20- Sh.Daawuud Cali Xuseen

 21- Sh. Baashe Obsiye Ducaale

22- Sh. Jibriil Xaaji Siciid Maxamed

23- Sh. Ismaaciil Yuusuf Xasan

24-Sh.Cabdishakuur Jaamac Dirir

25- Sh. Maxamed Kaahin Saleebaan

 26- Sh. Faysal Cali Faarax

27- Sh Yuusuf Maxmuud Diiriye

 28- Sh . Maxamuud Sh Xasan Guleed

29- Sh. Aadan Cabdi Ismaaciil

30- Sh.Aadan Yuusuf Maxmed

31-Sh.Maxmed Cabdilaahi Jaamac Suudi

32- Dr. C/Raxmaan Axmed Raage

 33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale

 34-Sh. Baashe Maxamed Siciid

 36- Sh. C/Rashiid X Aadam

 37- Sh. Jaamac Cali Cabdille

Dhawaaqa culimada reer Burco ayaa sii xoojinaya dhambaallada Somaliland iyo geyiga Soomaalidaba hore loogaga cambaareeyay xasuuqa bil ku dhawaadka socda ee GAZA, kuwaas oo ay culimada iyo wax-garadka dalku si adag uga hadleen.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cambaareysay dagaalka ka socda marinka GAZA oo inta badan beesha caalamku walaac ka muujinayso.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa Maalintii ciidda ee dabayaaqada bishii Jully ee la soo dhaafay, sheegay inay dawladda Somaliland dagaalka ka socda marinka GAZA u aragto xasuuq lagu hayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Duqeymaha Magaalada GAZA oo muddo bil ku dhow socda, waxa ku dhintay 1,868 qof oo Falastiiniyiin ah halka 9,470 oo qofna ku dhaawacmeen, waxaana ilaa shalay gelinkii dambe socday duqeynta diyaaradaha Israel u geysanayaan shacabka, ka dib marii ay Yuhuuddu jabisay xabbad-joojin todoba saacadood ah oo dhinacooda ka timi wax yar ka dib markii uu bilaabmay wakhtiga xabbad-joojintu.

Dhinaca Yuhuudda, waxa dagaalka Gaza kaga dhintay 67 Askari iyo saddex qof oo shacab ah oo midkood yahay muhaajir u dhashay dalka Thailand oo ka shaqaysta waddanka Israel.

CODKAHARGEYSA.COM