Jaaliyadda Reer Norway oo shahaaddo sharaf gudDoonsiiyey Maayirka Hargeysa iyo ballanqaad ay u sameeyeen goobo dadka waaweyn lagu xannaaneeyo oo ay samaynayaan

0
365

Hargeysa (CH)-Jaaliyadda Reer Norway ayaa maanta gudoonsiiyey maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko shahaado sharaf ay ku maamuusayeen hawlaha faro badan eeuu caasimadda ka qabtay.

Jaaliyaddan ayaa sheegtay inay caasimadda ka dhisi doonaan xarun weyn oo lagu xanaaneeyo dadka waaweyn ee aan haysan ehelo iyo qaraabo iyo dadka maskaxda ka xanuunsanayaba, waxaanay Maayirka ugu bushaareeyeen inay hawlo badan wax kala qaban doonaan.

shahaado sharaf44Ugu horeyn jaaliyaddan oo ka koobnaaa Cabdi Jirde Haybe, Shiinne Khaliif Muuse, Axmed Xaashi  iyo Cali Galingil ayaa maayirka uga mahad naqay sida uu qashinka iyo bilicda caasimadda wax uga qabanayo iyo dadalka dheeraad ah ee uu ku jiro, iyagoo xusay inuu yahay maayirkii ugu da’da yaraa ee soo mara caasimadda Hargeysa.

Cabdi Jirde Haybe oo halkaasi ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay “waxaanu maanta u nimid in aanu Shaado Sharaf  idinku siino qaabka wanaagsan ee aad shaqadda u wadaan, sida Dayrarka wadooyinak soo galay u duminaysaan, Wadooyinka cusub ee aad samaynaysaan iyo qaabka xashiishka u garaysaan ayaaan idinku hambalyeynayaa”.

Sidoo kale waxay sheegeen inay doonayaan inay wax badan kala shaqeeyaan dawlada hoose, waxaanay yidhaahdeen “waxaana doonaynaa in wax badan oo kalena idinku soo kordhino, waxa kale oo jira dadka waaweyn ee baahan ee dadkoodu hayn kareyn  in aanu u samayno goob lagu xanaaneeyo, waxaana qorshaha noogu jiraa in 329 qof meel lagu hayn karo u samaynayo anagoo arrintaasi nagala shaqayn doonno ganacsato reer Hargeysa ah, waxaana jaaliyadda gobolkan Maroodi jeex meel kasta oo ay joogaan waa inay qayb ka qaataan horumarinta caasimadda, maayirka oo qudha kaligii waxba ma wadi karo,waxay u baahan tahay in lala caawiyo oo la garab istaago, waxanu doonayna in xubno jaaliyadda reer Norway ah ooo kula shaqeeya kaaga tagi doonno anaguna wixii aanu Norway ka soo helno idinku soo xidhi doonno”

Sidoo kale, waxa iyaguna u mahad celiyey jaaliyadan maayirka Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko waxaanu yidhi “aad baan idinkku soo dhoweynayaa, waana idinka mahad celinaya sida aad u jeceshihiin wadankiina iyo sida aad mar walba ugu fikiraysaan, wadan waxa dhisa qurbojoogtiisa soo arkay wadamadda kale, qofka halkan joogga waxa uu ku fikirayaa wuxuu arkayo laakiin ninka qurbo joogta wuxuu soo arkay wadamo badan iyo horumarka ka jira sidaas ayuu ugu dabaqayaa wadankiisana, runtii waanu soo dhoweynaa meesha aaad tidhaahdeen dadka waaweyn ayaa lagu xanaanaynayaa, wax kale oo fiicana waynu wada qaban doonaa waxaana tihiin jaaliyadha ugu firfricoon jaaliyadiina Norway”

Si kastaba ha ahaatee,Jaaliyaddan ayaa sheegtay inay wax badan kala qaban doonaan dawladda Hoose xaga horumarinta iyo bilicda Caasimadda, iyagoo xusay inay gacan weyn ka siin doonaan shaqadooda.

CODKAHARGEYSA.COM