Hargeysa (CH)- Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo xubno ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland, ayaa doraad kormeer ku soo maray xarunta daaweynta iyo daryeelka dadka qaba xanuunnada dhimirka ee SAHAN ee Magaalada Hargeysa.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo xubnaha qurba-joogta ah ee booqashada ku tagay xarunta SAHAN oo ku taalla galbeedka Magaalada Hargeysa, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha xaruntaasi, Bashiir Maxamed Jaamac iyo hawl-wadeenada u adeegga dadka madaxa ka xanuunsanaya ee halkaasi lagu hayo.
Wasiir Biixi iyo xubnaha kale oo uu sidoo kale la socday Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah shaqsiyaadka masuuliyadda gaarka ah iska saara sii jiritaanka xarunta SAHAN isla-markaana gacanta ugu weyn ka geysta dedaalka loogu jiro in loo helo gacan dhaqaale iyo tabarucaadka ay ku socoto, ayaa mudadii ay halkaasi joogeen waxay indho indhayn ku sameeyeen qolalka ay seexdaan rag ku dhow shan boqol oo dhammaantood halkaasi lagu hayo iyo weliba goobo lagu baro xirfadaha gacanta, sida tolidda dharka kala duwan iyo laydhka.
Dadka halkaasi lagu hayo, kuwooda ladan ayaa Wasiirka arrimaha dibadda iyo xubnihii la socday u soo bandhigay xirfadaha ay barteen, iyada oo sidoo kale wasiir Maxamed Biixi Yoonis uu muddo gaaban daawaday ciyaar kubadda cagta ah oo ay wada gudaha xaruntaasi ku wada ciyaarayeen laba kooxood oo laga sameeyay dadka xanuunsanaya, laakiin hadda caafimaadkoodu wanaagsan yahay.
Md. Maxamed Biixi Yoonis, oo ujeeddada uu halkaasi kormeerka ugu tagay ahayd inuu wax ka ogaado xaaladda dadka goobtaasi lagu hayo iyo dedaalka dadka gacanta ku haya, ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay aad ugu mahad celiyey Guddoomiyaha xarunta SAHAN iyo dadka gacanta ka geysta, isaga oo sidoo kalena ka hadlay dhibaatada qaadku ku hayo dadweynaha reer Somaliland.
Wasiirka oo la hadlayey qaar ka mid ah dadka ku ladnaaday xarunta SAHAN ee la baray xirfadaha ee ka mid yihiin tolidda dharka iyo laydhka, ayaa yidhi “Waxaan samayseen dedaal, waxaan idinkula talinayaa inaad dedaalkaa sii waddaan, waxaanan idin rejaynayaa inaad xirfadaha aad barateenna shaqooyin ku heshaan, annaguna waanu idinla shaqeynaynaa”
Wasiirku waxa uu u mahad celiyey Guddoomiyaha iyo dadka gacanta ku haya xarunta SAHAN “Aad-bay u mahadsan yihiin Guddida xaruntan (Sahan) iyo dadka faraha badan ee uu ILAAHAY u soo diray meeshan, ee dadkii walaaladood ahaa ee xanuunsanayey intay halkan isugu keeneen, xirfado baray, Bashiir (Guddoomiyaha SAHAN) iyo guud ahaan Guddidu aad-bay ugu mahadsan yihiin..(hawshaasi)….” Ayuu yidhi, Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis.
Guddoomiyaha xarunta SAHAN, Bashiir Maxamed Jaamac, oo isaguna war-bixin siiyey wasiirka iyo xubnaha qurba-joogta booqday xarunta dadka xanuunsanaya ayaa sheegay in baahida taalla xaruntaasi ay aad u badan tahay “Baahida meesha taallaa way ka faro badan tahay wax aqliga bani-aadamku koobi karo, waayo maalin kasta kharashka ku baxaya iyo hawsha ku baxaysa (ayaa badan), Tusaale (ahaan) maalintii waxa ku baxaya 100 foosto oo biyo ah, mar mar ayuu mid (dadka xanuunsanaya ah) kaa furayaa taangigii 10-ka foosto ee biyo ahi ku jireen, markaasay kaa khasaarayaan, markaa marka hore meeshani waxay u baahan tahay biyaha iyo in Riig loo helo” ayuu yidhi, Bashiir Maxamed Jaamac, waxaanu intaasi ku daray “Dadka meesha ku jiraa waxay u bahan dhalinayaro uu mustaqbalkoodii taagan yihiin, waxayna u baahan yihiin in loo helo taakuleyn iyo in la ilaaliyo, waayo qofka dhalinyarada ah ee markuu caafimaad cid walba ka qurux badan, hadduu halkan ka baxo (Isagoon camal haysan) laba maalmood ayuu dib ugu noqonayaa sidii hore sidii hore dib, qaarkoodna ehel malaha”
Bashiir, waxa kale oo uu tilmaamay culayska ay leedahay haynta iyo daryeelidda dadka maskaxda ka buka “Maanta afar qof oo guri ku wada nool oo miyir qaba ayaan biilkooda iyo hawshooda laga baxayn, afar boqol ama shan boqol oo meel ku wada jirana waad garaneysaan xaalkeeda, lawdhka xaabada ah ee Iska Rogadu noo keento, waxa lanaga siiyaa Milyan iyo laba boqol, waxaanuna isticmaallaa saddex Maalmood” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey isaga oo iftiiminaya raashinka ku baxa dadka ku jira xarunta SAHAN “Maalin dhawayd wuxuu Sheekh Aaden Siiro noo keenay 70 kiish, maalintii ka horeysayna konton iyo dhowr kiish, maalintaa meel aanu ku kala xerayno raashinka ayaanu waynay, laakiin imika istoodhkii waa faaruq”
Guddoomiye Bashiir, waxa kale oo uu ka codsaday Wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba-joogga booqday xarunta Sahan, inay u qalabeeyaan xarun waxbarasho oo halkaasi ku taalla “Madarasaddu waa 8 Fasal, oo maktabaddii ku taalla, waxaana taagan qalabeyntiisa, sida Koombuutaro, sidoo kale meeshu waxay u baahan tahay in lagu soo xidho dhakhaatiir oo cilmi-baadhis laga sameeyo, buugna laga qoro, si markaa jaamacadaha loo dhigo, oo uu noqdo dhaxal gal”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in dhaqaalaha xarunta Sahan ku baxa bishiiba uu yahay mid aad u badan “Shaqaalaha Sahan ka shaqeeyaa, ma helaan lacag ku filan, waayo lama awoodi karo, dhakhaatiirta meesha timaaddaana waa dhowr iyo toban, laakiin kharashka ku baxa bil kasta xarunta SAHAN, waa $ 65000 doollar”
Sheekh Aaden Xaaji Maxamud Xiirey (Sheekh Aaden Siiro), oo ka mid ah rukumada xarunta SAHAN ku taagan tahay, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo ku taxaluqayey sida loogu baahan yahay in la taageero xaruntaasi “Aafadu waa qaadka, qaadkana lama joojin karayo, laakiin waxaynu kaga hor-tagi kareynaa xarunta SAHAN oo la xoojiyo, oo aynu aqoonteenna iyo hantideena isugu wada geyno”ayuu yidhi, Sheekh Aaden Siiro.
Gabogabadii waxa iyaguna halkaasi ka hadlay, Proff. Aaden Xaaji Cali oo ka socday Jaamacadda iyo xubnihii qurbo-jooga ahaa ee halkaasi tagay, waxayna dhammaan dadkaasi ka hadlay isku raaceen sidii xarunta SAHAN loo taageeri lahaa.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYS.COM