Hargeysa (CH)- Wuxuu u cadhaysan yahay sidii qof Tuug xaday oo kale, dagaal-na kuma yara, laakiin waa cadho aan garowshiyo lahayn oo ka dhalatay dhaawac aan magdhowgiisu cirka ku laalan yahay oo ka soo gaadhay Noole aan Caqli lahayn.
Caydaruus waa Nin Dhalinyaro ah oo ku nool Magaalada Hargeysa oo uu ka xoogsado Wiil xoogsado. Waxa intaas u dheer inuu yahay Nin Xaasley ah oo xooggiisa ku masruufa Qoyskiisa. Caydaruus waxa uu sheegay inuu khasaare dhaqaale u geystay Xawayaanka Jiirka ama Doolli-ga loo yaqaano ee ka midka ah nooleyaasha Guryaha ku dhasha.
2-dii Bishan August ayuu sheegay in Jiirku ka cunay Lacagtii Biilka ee uu Bishan ugu talo galay Qoyskiisa, si ay u masaariifsadaan, taasoo fajac iyo amakaag ku beertay, isla markaana solansiisay inuu si adag uga cadhoodo.
Caydaruus ayaa intaas ku daray in cadhada uu ka qaaday Khasaaraha uu Jiirku u geystay ay ugu wacnayd, dhacdadan oo ku beegantay xilli culays dhaqaale ka soo fuulay kharashaadkii Ciidda iyo Bishii Ramadaan ka baxay.
“Waa Ciid, waxa laga soo baxay Ramadaan, wax allaale wax uu garanayaa ma jiro, wuu iska cunay uun lacagtii oo Kabadhka ku jirta,”ayuu yidhi Caydaruus oo jewigiisa laga dareemayo cadhada uu ka qaaday jiirka Cunay masaariifta reerkiisa.
Waxaanu intaas raaciyay, “Saddex Boqol oo Dollar ayay ahayd, konton ayay xaafadu soo sarrifatay, intii kale siday Kabadhka ugu jirtay ayuunbaan aragnay iyadoo jiir cunay oo googo’ yari ka soo hadhay, intii kalena uu cunay.”
“Imminka jiirkaa waan hayaa wax allaale waxaan ka yeello garan maayo. Maxkamad ayaan la tiigsan lahaa haddaan helayo meel looga dacwoodo,”ayuu yidhi Caydaruus oo sheegay inay ahayd markii ugu horaysay ee arrintan oo kale ku dhacdo.
“Qaramada Midoobay qaybta Xawayaanka qaabilsan waxaan u sheegayaa in bahalkaa nala soo kala gaadho,”ayuu mar kale ku tiraabay, xilli uu aad u cadhaysnaa.
Hase ahaatee wiilkan ayaa gadaal ka sheegay in waxan dhacay qaddar Alle ku yimi oo ay tahay inuu ka samro, laakiinse waxa uu ka digay waxyeellada uu qoysaska u geysan karo Xawayaankan Guryaha inta badan kula nool dadka, kaas oo gabbood ka dhigta meelaha ili-ma-qabatinka ah ee Guryaha, isla markaana jikada iyo goobaha weelka la dhigo habeenkii baadha.
Jiirka ayaa dadka qaar u yaqaanaan Tuug Guriga kula nool dadka, waxaanu allaabooyinka yar-yar, sida dahabka, lacagta iyo qalabka kale ee aadka loo xafiddo, kuwaasoo uu cadow u yahay, aadna looga ilaaliyo.
COURTESY: Gobonimonews