Arday Reer Somaliland Ah Oo Guulo Wax-ku-ool ah ka gaadhay Tartan lagu Qabtay Dalka Mareykanka

0
397

Hargeysa (CH)-Maxamed Cabdiraxmaan Xusseen oo kamida  arday reer Somaliland ah oo deeqo waxbarasho ka heshay dalka maraykan ayaa sheegay tartamo Orad oo uu ka qayb galay uu kaalmaha hore ka galay,Isla markaana uu guulo u soo hooyey dugsigii uu dhiganaayey.

Maxamed Cabdiraxmaan Xusseen oo aanu hore wax uga qornay tartamo uu ka qayb galay oo xaga Oradka ah ayaa xalay nagu soo booqday Xafiiska Wargeyska Saxafi ee Magaalada Hargeysa isaga oo u dhoofaya waddanka Maraykanka.

cUgu horayn isaga oo ka hadlaaya sida uu u bilaabay Oradka waxaa uu yidhi,  “Waxaan Oradka bilaabay markii aan Iskuulka dhiganaayey sanadkii Saddexaad ee Iskuulka Abaarso Tech sanadkii 2012-kii intii aanan tagin Maraykanka,markaa sanadkaasi ayaan Oradka bilaabay inkasta oo aanay wax joogta ah aanay ahayn,laakiin markii aan wadanka Maraykanka waxbarashada u tagay ayaa si rasmi ah aan u bilaabay sanadkaasi oo ahaa 2012-kii,kaasi oo aan Naadi ku biiray”.

cxMar aanu waydiinay in uu qurba joog uu ahaa markiisii hore iyo inkale,waxaa uu sheegay in uu ahaa reer Hargeysa,laakiin Iskuulkiisii Hargeysi Waxbarasho u diray uu ku tagaayo dalka Maraykanka.

“Anigu Hargeysa ayaan ku dhashay waxaanan helay waxbarasho bilaash ah oo Maraykanka ah,waxaanan noqday ardaydii kaalmaha hore ka galay iskuulka Abaarso Tech ee Magaalada Hargeysa ee aan deeqda waxbarasho ku tagay Maraykanka”Ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Xusseen.

uMaxamed Cabdiraxmaan Xusseen waxaa uu sida oo kale uu sheegay in markii uu tagay dalka Marayka ay aad ugu adkayda luqada Ingiriisidu balse hadauu si fiican ula qabsaday,waxaana uu carabka ku dhuftay in Iskuulka uu dhigto marka kasta Orad Masaafo dheer ah la cararo,isaga oo tibaaxay in uu Oradka iyo Waxbarashadabana uu guulo muhiim ah ka soo hoyn doono waxana uu yidhi:

“Dugsi kasta oo Maraykan ahi waxaa uu Ardayda Ordaa Shan Kiiloo Miter,waxaanan isku wadaa Waxbarashadii iyo Oradkii,waxaanan doonayaa in aan labadaba aan guulo ka soo hooyo,waxaana la doonayaa in qofku uu nqdo mid maskax ahaan yo jidh ahaanba u acaafimaad qaba oo galinka hore waxaan dhigtaa waxbarashada ka dambana waxan sameeyaa Oradka,markaa Labadii Sanno ee aan Maraykanka Joogay waxaan ka qayb galay Lixdan Tartan oo dugsiyadda udhaxeeya,waxaana todobaadkii aan tobabar ku jiray Lix cisho,maalintii todobaadna waxaa ay ahayd tartankii ,markaa sabti walba dugsi kale ayaa aanu udhici jirnay waxana loo baahan yahay in markasta oo dugsiyadu iku dhacayaan in ay keenaan Todoba dhibcood,markaa anigu shakhsiyan kayga ayaan ayaan kaalin fiican ku keenayoo aan ku galay,laakiin markaa wax isoo raaca ayaa laga waayey Iskuulkaygii “.

iArdaygani waxaa uu sheegay in takaliya ee guul gaadhsiin kartaa ay tahay Waxbarashada Isla mar ahaantaana uu donayo in uu ka midho dhaliyo ,sida oo kalena uu barbar wadi doono Oradka oo uu sheegay in uu aad u xiisaynaayo doonayana in uu isna ka midho dhaliyo,maadama baa uu yidhi aan hada haysto tobabaro fiican oo aad ii gacan qabtay in ay si fiican ugu tobabaraan Oradka.

Sida oo kale Maxamed waxaa uu dhalinyarada ku guubaabiyey inay dadaal muujiyan,isla markaana ay la yimaadaan Samir dhaqdhaqaaq leh si ay uga midho dhaliyaan guulaha ruuxdoodaku dhex jirta,isla markaana jaanisyada ay haystaan ka faa’idaystaan,waxaana uu ku sii dhiiri galiyey in ay sida oo kale ka faa’idaystaan waxbarashadooda u taala wadanka gudihiisa.

kMar aanu waydiinay guusha uu isleeyahay waad gaaday waxay tahay waxaa uu yidhi, “Guusha aan isleeyahay waad gaadhay waxay tahay in aan ka faa’iidaystay haday noqon lahayd waalidka,macalimiinta iyo dadka kale ee igu hareeraysan haday noqon lahayd waalidka macalimiinta iyo dadka kale ee kugu hareeraysan,xidhiidhka aad samaysato waxay ku gaadhsiin kartaa meelo fog fog.”

CODKAHARGEYSA.COM