Guddoomiyaha SOLJA oo sheegay in sharciga Ururku awood u siiyey magacaabista Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha

0
348

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in sharciga u yaala ururkoodu awood u siinayo inuu isagu magacaabo Guddiga qaban-qaabada ee shirweynaha Ururka.

Guddoomiyaha SOLJA waxa uu meesha ka saaray sharciyadda guddi qaban-qaabo oo xubno ka mid ah hoggaanka ururku dorraad u magacaabeen shirweynaha 5aad ee ururka oo isaguna dhankiisa guddi qaban-qaabo ugu magacaabay shirweynahooda, arrintaas oo badka soo dhigtay khilaaf ka dhex-aloosan guddoomiyaha ururka oo dhinac ah iyo Guddoomiye ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ee SOLJA oo iyaguna dhinac ah.

Xasan Maxamed Yuusuf oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu halkaas ka akhriyey qodobbo ku xusan Dastuurka Ururka ee waajibinaya awoodaha ay kala leeyihiin hoggaanka sare ee SOLJA.

HALKAN KA DAAWO