Wasaaradda Diinta Aw-qaafta Somaliland oo Xaqiijisay Curashada Bisha Shuwaal

0
414

Hargeysa (CH)- Waxa maanta soo gebo-gabowday 29 maalmood oo Shacabka Muslimiinta ahi soo guteen waajibaadka Soonka ee Bisha Ramadan, waxaanay maalinta Berri ah  ku beegan munaasibadda Cidal-fidriga ee gunaanadka u ah Bisha Barakeysan ee Ramadan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Md Aadan Cabdilaahi Cabdalla, ayaa shaaciyey in gobollada dalka qaarkood laga arkay curashada bisha Shuwaal isla markaana laga xaqiijiyey curashada bisha Shuwaal waddamada Islaamka qaarkood oo wasaaraddu xidhiidh la samaysay.

eid mubarakAgaasimaha Guud waxa uu sheegay in bilashada Bisha Shuwaal laga arkay deegaamo ka tirsan Somaliland oo ay ka mid tahay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu shacabka Somaliland iyo umadda Muslimiinta ah u rejayeeyey in Eebbe ka Aqbalo Cibaadadii iyo Soonkii ay soo guteen bisha Barakaysan ee Ramadan.

Shacbiweynaha Caasimadda iyo dhammaan gobollada dalka, ayaa Berri u dareeri doono tukashada Salaadda Ciidul-fidriga, waxaana kala qayb-gali doono masuuliyiinta laamaha kala duwan ee dawladda.

Ciidda Sannadkan, ayaa noqonaysa markii u horreysa ee Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayay aanu shacabka Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa la wadaagin dabbaal-degga farxadda Ciidda, isaga oo sannadkan la Ciidaya Jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan dalka Ingiriiska Gaar ahaan magaalada London.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ayaa la filayaa inuu shacabka magaalada Hargeysa kula tukado salaado Ciidul-Fidriga Masjidul-Jaamica Caasimadda.

Haddaanu nahay Bahda Mareegta CODKAHARGEYSA.COM, waxa aanu dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Akhriysteyaashayada ku xidhan boggan leenahay Ciid Wanaagsan, Eebbe ha innagu gaadhsiiyo sannadkan, sannadkiisa Caafimaad-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Codkahargeysa.com