Hargeysa (CH)- Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah madax dhaqameedka sare ee beelaha Sool iyo koonfur bari Sanaag, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey caasimadda maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxaana soo-dhawayntiisa ka qayb-qaatay madaxweynaha maamulkaas Cabdiweli Gaas.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo dhawr iyo labaatan sano oo Somaliland gaar u taagan tahay aan marnaba aqbalin jiritaankeeda, isla markaana taageeri jiray maamul goboleedka Puntland, ayaa in mudo ah oo uu ka maqnaa, kadib mar kale dib u xaqiijiyay inuu taageersan yahay maamul goboleedkaa,waxaana shalay si wayn loogu dhaweeyay isaga iyo wefti uu hogaaminaya oo cuqaal ah magaalada Garoowe. Taasina waxay meesha ka saartay oo hungo ku dhamaaday dadaalo xukuumadda Somaliland ku doonaysay inay ku soo xero geliso Garaadka oo in dhawaalaba ay ku hawlanaayeen xubno wasiiro ah iyo waxgarad kale.
Siday tibaaxeen xogo aanu ka helay ilo lagu kalsoon yahay, garaad Saleebaan oo in muddo ah loo arkayay inuu dudmo kaga maqnaa maamulka Garoowe, waxa xidhiidh la sameeyay xukuumadda Somaliland, waxaana kulamo la qaatay wasiiro la sheegay inay ka mid ahaayeen, wasiirka Madaxtooyada Xirsi iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, kuwaasoo kula kulmay meelo kala duwan. Inkastoo la sheegay in is faham ay isla gaadheen labada dhinac, Garaadkana la gudoon siiyay gaadhi Landcruser ah oo qiimihiisa lagu qiyaasay konton kun oo doolar iyo lacag, hadana, garaad Saleebaan oo wata gaadhigaa iyo wefti beeshiisa ah ayaa tegay Garoowe, halkaas oo si wayn loogu soo dhaweeyay. ~Waxaan is leeyahay Garaadku inagama maqnayn, ee safar dheer oo mudo qaatay ayuu inagaga maqnaa, hadii uu ka soo laabtayna meel nagama jirin. Niyadayadana kama maqnayn, qalbigayagana kama maqnayn~ sidaa waxa yidhi Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Weli Gaas oo soo dhawaynayay Garaad Saleebaan.
Garaad saleebaan ayaa isna dhiniciisa uga mahad celiyay maamul goboleedka Puntland soo dhawayntii ay u sameeyeen, isla markaana hadal uu Garaadku halkaa ka jeediyay wuxuu ku yidhi, ~dadkii riwaayad baa loo dhisay, been baa loo sheegay,maamulo aan jirin oo aan soconayn ayaa loo sheegay,dadkii burburkaasaa ku dhacay, diyaarad koonfur ka timi oo iska guuxaysa oo gudaysa baa dadkii burburisay, si loo qabtana waa la garan waayay, waxbaa lagu qufulay, mashaakilkaa badan baa jira~. Garaad Saleebaan waxa uu ku tilmaamay kooxda Khaatumo wax aan soconayn oo dadka lagu jaah wareerinayo.
Dhinaca kale, ilaa hada ma jiraan warar xaqiijinaya, sida ay u dhaceen wada xaajoodyadaa la sheegay inay hore u dhex mareen xukuumadda Somaliland iyo Garaadka, oo ka soo baxay dhinacyada ay khusayso. Sidoo kale ma cadda ilaa heerka la isla gaadhay iyo meesha uu ka fashilmay mashruucaasi.
CodkaHargeysa.com/Hargeysa