London (CH)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa markii ugu horreysay intii uu gaadhay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa uu caawa ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad oo uu sheegay inay aad u wanaagsan tahay, ka dib markii ay Warbaahinta Dad iyo Warbaahin War-Xuma-tashiilka ah ee ay ka midka tahay Baligubadlemedia maanta illaa caawa intii hore ay faafinayeen in Madaxweyne Ku-xigeneku sheegay in Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynuhu aad u liidato, isla markaana uu Ciidanka qalabka sida ee dalka heegan buuxa geliyey.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa Barnaamij si toosa uga baxayey Telefeshinka Qaranka Somaliland oo soo tabinayey kulan Casho-sharaf loogu sameeyey Madaxweynaha iyo Masuuliyiin la socday oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta Xisbiyada SIyaasadda Somaliland ee magaalada London, taasoo uu hadal ka jeediyey Madaxweynuhu uu kaga warramayo Caafimaadkiisa, isla markaana kaga jawaabayey wararka been-abuurka ah ee laga baahiyey ee wax ka sheegaya xaaladdiisa Caafimaad.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanu wax dhibaato ah qabin ee Caafimaadkiisu fiican yahay oo uu socdo oo uu hadlayo, wararka laga faafiyey-na ay yihiin kuwo been ah oo dad war-xumo-tashiil ahi ka ka taliyeen, balse waxa uu madaxweynuhu sheegay inuu Cafiyey dadkaas maadama oo lagu jiro Tobankii dambe ee bisha Ramadan.
Halkan ka dhegayso Hadalka Madaxweynaha
CODKAHARGEYSA.COM