Hargaysa (CH)- Mashruuca magaciisa SCOUT-ka oo lagu tabararo macalimiinta waxka dhiga dugsiyada dawladda gaar ahaan wakhtiyada ay fasaxa ku jiraan oo muddo dheer socday ayay ka soo baxayaan cabashooyin ay ka tabanayaan macalimiinta bixisa tababarka, iyo macalimiinta ardaydaba iyo xogo muujinaya inuu jiro musuqmaasuq baahsan oo laga gaystay miisaaniyadda deeqda mashruucan oo ay Midawga Yurub ka caawiyaan Somaliland iyagoo soo mariya hay’adda NRC oo fulinaysa.
Mashruucan oo ay fulintiisa iska kaashadaan NRC iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Jaamacadaha Golis iyo Hargeysa oo iyagu bixiya tababarka ayaa todobaadkan ay macalimiinta tababarka qaataa gadood ka sameeyeen goobaha lagu bixiyo tababarka sida Jaamacadda golis ee Dhismaha Timacaddekasoo horjeeda iyagoo diiday dhammaantood inay tababarka qaataan kadib markii wakhtigeeda lagu bixin waayay lacagyar oo basraaca loo siiyo, isla markaana ay saluugeen sida ay gebi ahaanba u maamusho bixinta lacagtaas hay’adda NRC iyo Wasaaradda Waxbarashaduba.
Sidoo kale, macalimiin ka gaabsaday inay magacyadooda sheegaan ayaa noo sheegay inay aad u saluugayaan qadarka lacageed ee mushaharka loo siiyo oo ah waxaan ku filayn oo hadana lagala raago iyo iyagoo aan wax daryeel ah qabin. Waxa ka mid ah macalimiintaas qaar gobolo kala duwan laga keenay oo aan guryahoodii joogan hadana mushahar yar la siiyo taasna sideeda iyo wakhtigeeda loo bixin.
Macalin ka mid ah macalimiintaas oo aan magaciisa sheegin ayaa sheegay inuu dareen weyn ka qabo in lacagta loogu talo galay macalimiinta tababarka bixiya ee mashruuca SCOUT-ku ay aad uga badantahay intan yare e aan ku filayn ee immika la bixiyo, isla markaana uu jiro musuqmaasuq weyn oo hay’adda NRC iyo Maamullada Jaamacadaha GOLIS iyo Hargeysa shuraako ku yihiin, isla markaana aanay Wasaaradda Waxbarashadu waxba ka qaban ama qayb ka tahayba dhibaatada sida ay hadalkooda u dhigeen macalimiintu.
Macalmiinta ayaa nooga waramay in mashruucan oo qaybna lagu tababaro macalimiinta dugsiyada H/dhexe, qaybna macalimiinta dugsiyada Sare ay kuwa dulmiga weyn qabaa yihiin macalmiinta dugsiyada H/dhexe waxka dhiga oo ka badan 200 macalin inta tababarkan qaata immika, sidoo kalena macalimiinta iyaga wax u dhiga ee jaamacadahani shaqaaleeyeen oo iyana dulman. Si kastaba ha noqotee cabashooyinka ka soo baxaya ka faaiidaystayaasha mashruucan iyo fashilaadda musuqmaasuqan ayaa fadeexad weyn ku noqonaysa Wasaaradda Waxbarashada JSL haddii aan si deg deg ah wax looga qaban oo aan hanti dhawr ballaadhan la gelin sida loo maamulo deeqda mashruucan iyo inta la musuqayo lacagaha saxda ah ee loogu talo galay tababarayaasha iyo tababartayaashaba.
CODKAHARGEYSA.COM