Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Dawladda Itoobiya Kala hadlaya Furitaanka Xuduudka Xidhan

0
415

Hargeysa (CH)- Dawladda Itoobiya, ayaa wadahadalkii dhex-maray Raysal-wasaaraha dalkaas iyo Madaxweynaha Somaliland, ka dib waxay Shuruud ku xidhay furista Xuduudka ay labada dal wadaagaan oo warkii ay soo saareen kulanka ka dib dhinaca Somaliland ku sheegeen in Itoobiya iyo Somaliland isla garteen in la furo xadka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Dawladda Itoobiya Kala hadlaya Furitaanka Xuduudka XidhanWasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay Weheliyaan Madaxa Sirdoonka Somaliland iyo Saraakiil Hay’addaas Sirdoonka ka tirsan, ayaa gelinkii dambe ee Sabtida u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu Wasiirku sheegay inay u tagaayaan arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo furista Xuduudka ay wadaagaan labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ujeeddada socdaalkooda Itoobiya isaga iyo Xubnaha la socdaa u tegayaan Itoobiya ugaga sii warramay Weriyeyaasha intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DAAWO