Nairobi (CH)- Allaah ha u naxariistee Meydadka Saddex Marxuum oo Soomaali ah, ayaa laga helay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kuwaasoo Meherado Ganacsi oo ay ku lahaayeen dalkaas lagala baxay goor habeennimo ah sida ay Warbaahinta u sheegeen Ehelada mid ka mid ah saddexdaas Ruux.
Meydadka saddexda Marxuum ee Soomaalida ahaa, ayaa shalay laga helay Xarun lagu Keydiyo Meydadka oo ku taalla magaalada Nairobi ee Caasimadda waddanka Kenya, ka dib markii ay Ehelada Saddexdaas qof mid ka mid ahi muddo baadi-goob ugu jireen Raq iyo Ruux Wiilkooda halka uu ku dambeeyey.
Saddexda Marxuum ee Meydadkooda la helay, ayaa waxaa ka mid ah Marxuum lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Maxamuud, kaasoo 23-kii bishan Meherad Ganacsi oo uu ku lahaa Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi lagala baxay goor habeennimo ah. Hase-yeeshee, weli lama aqoonsan labada qof ee kele ee Meydadkooda la helay, kuwaasoo Meydkoodu ay yaallaan isla xarunta lagu Keydiyo Meydadka dadka dhintay ee ku taalla magaalada Nairobi ee waddanka Kenya. Waxaanay Ehelada Marxuumkan la aqoonsaday sheegeen in ay Meydka Wiilkooda aasanayaan, dawladdana ka dalbanayaan inay baadhis ku samayso cidda ka dambaysay dilka Wiilkooda.
Xildhibaan Yuusuf Xasan oo laga soo doorto Degmeda Kamakuunji oo ka tirsan magaalada Nairobi, ayaa sheegay in saddexda nin la ciijiyay ama la siririyey amaba naqaska lagu dhejiyey, isla markaana ay sidaas ku dhinteen, isagoo xusay in laga dhacay hanti u taallay Bangiyada magaalada Nairobi, ka dibna si aanay u sheegin loo dilay.
Waxa uu Xildhibaan Yuusuf Xasan ku tilmaamay falkan mid laga xumaado; isla markaana waxa uu ka codsaday dawladda Kenya inay samayso baadhitaan deg-deg ah oo lagu ogaanayo ciddii ka dambeysay dilka saddexda Marxuum ee Soomaalida ah, si dhaqso ahna loo horkeeno Sharciga cidda sida arxan-darrada ah u khaarajisay Saddexdaa Ruux ee Soomaalida ahaa Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyee.
Falkan axmaqnimada iyo arxan-darrada ah ee lagu dilay saddexdaas Marxuum, ayaa kusoo beegmaysa iyaga oo Ciidammada Booliska Kenya ay tan iyo bishii Abril ee sannadkan 2014-ka howlgallo ay ku qabqabanayeen Soomaalida ku dhaqan waddanka Kenya, gaar ahaan Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ah Xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool magaaladaasi.
Geesta kale, Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar habeen hore koox hubaysani ku qaadeen Gaadhi Bas ah oo Rakaab siday, isla markaana marayey Deegaan ka tirsan gobolka Xeebta Waqooyi-Bari ee dalka Kenya, kaasoo lagu dilay dad gaadhaya shan qof, tiro kalena la waayey, waxaana deegaannadaas hore uga dhacay illaa afar weerar oo qaarkood ay Al-Shabaab sheegatay, kuwaasoo isu geyn ay ku naf-waayeen dad boqol Ruux oo Kenyan ah ka badan marka shantan qof ee habeen-hore la dilay lagu daro.
CODKAHARGEYSA.COM