Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Noqday Masuulkii Ugu Musuq-Maasuqa Badnaa – Warbixin

0
420

Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor Oo Ah Mas’uulka Ay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland U Soo Wakiilatay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Ayaa Waxaa La Soo Magacaabay Bishii 2-aad Ee Sanadkii 2011-kii Wakhtigaasi Oo Xoghayihii Fulinta Ee Ka Horeeyay Musuq-maasuq Lagu Soo Eedeeyay Awgeed Xilka Looga Qaaday Isla Markaana Uu Si Ku Meel Gaadh Ah Laba Bilood Uga Shaqayn Jiray Cismaan-Dhagax Oo Ahaa Mas’uul Ka Tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Qaybteeda Tayaynta Maamulka Dawladaha Hoose Oo In Badan Wax Ka Badalay Nidaamyadii Ay Ku Shaqaysay Dawlada Hoose Ee Gabiley .

Xoghaye-Cabdiraxmaan-Nuur-AbokorQaabkii Loo Soo Magacaabay Xoghayaha .

Cabdiraxmaan Nuur Abokor Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Ayaan Ahaa Wakhtigii Olalahii Doorashadii Madaxweynaha Mid Aan Si Wayn Uga Dhex Muuuqan Taageerayaashii Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabiley Balse Waxaa Ila Xog-Ogaal U Ah Magacaabistiisu Sheegaan In Ay Ka Danbaysay Magacaabistiisa Dad Dano Gaar Ah Ka Lahaa Dhaqaalaha Xad Dhaafka Ah Ee Soo Gala Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo La Sheego In Uu Si Gaara Imika U Naas-Nuujiyo Daba-dhilifyada Ka Ag Dhaw Madaxtooyada .

Isla Markaan Ay Si Gaara Xilka Ugu Hayso Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Uu U Dhex Maray Khadra X.Gaydh Oo Ka Mid Ahayd Xildhibaanadii Golihii Hore Ee Deegaanka Degmada Gabiley Isla Markaana 21-kii Xildhibaan Ee Golahaasi Ka Koobnaa Kaligeed Ka Ahayd Xisbiga Kulmiye , Waxaana La Sheegaa In Marwada Madaxweynuhu Mudadii Uu Xilka Hayay Xoghaye Cabdiraxmaan Nuur Ka Dareentay Mid Si Gaar Ah Ugu Adeegaya Isla Markaana Ilaalinaya Dhamaan Danaha Ay Leedahay Madaxtooyadu Hadii Ay Noqoto Mid Dhaqaale Iyo Mid Hawleedba , Waxaanan Odhan Karnaa Waana Sababta Uu Mudo 4-Sano Ah Xilka U Hayay , Halka Xoghayayaashii Ka Horeeyay Ay Xilka Hayn Jireen Mudo Aan Ka Badnayn 1-Sano , Waxaana Sidoo Kale Dhawr Goor Oo Badalkiisa Ay Diyaariyeen Wasiiradii Arimaha Gudaha Iska Soo Daba Maray Ay Marwada Madaxweynuhu Hor Istaagtay Badalkaasi Ayna U Sheegtay in Hadii La Badalo Xoghaye Cabdiraxmaan Nuur Ay Iyagu (Wasiiradu) Badal Noqonayaan .

Taasi Oo Laga Dhadhansanayo In Dhaqaalihii Gabiley Ay Ku Tagri Faleen Dad Gaar Ah Oo Ay Ugu Horeeyaan Qoyska Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madaxtooyadu .

Qaababka Uu U Shaqeeyo Xoghayuhu .

Hadii Aan Ka Hadalno Qaababka Uu U Shaqeeyo Cabdiraaxmaan Nuur Abookor Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Ee Gabiley Waa Mas’uul In Badan Ku Dhex Milmay Xildhibaanada Golaha Deegaaanka Degmada Gabiley , Waana Mas’uul Garan Waayay Xilka Uu Ka Hayo Dawlada Hoose Ee Gabiley Iyo Xilka Uu U Hayo Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Uu Wakiil Uga Yahay Dawlada Hoose Ee Gabiley .

Cabdiraxmaan Nuur Abokor Waxaa In Badan Lagu Xasuustaa Wakhtiyada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gebiley Ay Badhkod Ka Soo Hor-jeestaan Maayarka Degmada In Uu Kol-kolka Qaar La Soo Safto Maayarka Kolk-kolka Qaarna Uu La Sooo Safto Xildhibaanada Mucaaridka Si Uu Yahay Oo Kale Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gabiley , Walow Ay Dadweynaha Qaarna U Yaqaanaan Xildhibaanka 22-aad Ee Golaha Deegaanka Gabiley .

Waxa Kale Oo Xoghaye Cabdiraxmaan Nuur Ka Mida Caadooyinkiisa Shaqo In Todobaadkiiba 2 Ama Sadex Cisho Lagu Dhex Arko Xafiiskiisa Halka Inta Kale Ee Todobaaka Ka Soo Hadhay Uu Daayacay Waajibaadkiisa Shaqo , Waxaana In Badan Lagu Hor Arkaa Albaabka Hore Ee Xafiiskiisa Dadweyne Hor Buuxa Maalinta Uu Soo Fadhiisto , Dadweynahaas Oo Marka Aad Weydiisoo Waxa Ka Dhacay Xafiiskani Kuu Sheegaya In Ay Ilaa 4-Cisho Ku Soo Noq-noqonayeen Xafiiska Mas’uulkani Balse Nasiib Daro Uuna Maalina Soo Fadhiisan Jirin , Dadweynahani Tirada Badan Ee Aad Arkaysaana Ay Iskugu Gaadhay Mudadii Badnayd Ee Aanu Soo Fadhiisan Xafiiska .

Cabdiraxmaan Aadan Muxumed
Bade400@gmail.com