Muqdisho (CH)- Hay’adaha Ammaanka ee dawladda Soomaaliya, ayaa maanta soo bandhigtay Nin ka mid ah Kooxdii weerarka ku qaadday habeen-hore Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay Ciidanku nolol ku qabteen, ayaa ka warbixiyey sida ay weerarkaas u soo qaadeen iyo ujeeddada ay ka lahaayeen oo uu sheegay inay u socdaan dilka Masuuliyiinta dawladda, gaar ahaan Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiwali Sheekh Axmed. Waxay Hay’adaha Ammaanka dawladda Soomaaliya ku soo bandhigeen maanta magaalada Muqdisho, kaasoo magiciisa ku sheegay Xasan Muxyadiin oo loo yaqaanno (Bastolad-weyne), waxaana Waraystay Ninkaas Weriye ka tirsan Idaacadda dawladda ee Radio Muqdisho iyo Telefeshinka Qaranka Soomaaliya. Ninkaas lagu magacaabo Baastoolad-weyne oo ka hadlaya weerarka ay soo qaadeen, siday u soo qaadeen iyo ujeeddada ay ka lahaayeen, waxa uu yidhi; “Waxaannu doonaynay inaan weerarkaas ku dilno Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, laakiin waxaa qorshahayagaas naga hor-joogsday Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada oo lagu magacaabo Mukhtaar, kaasoo naga shakiyay, waxaana markaas billaabantay Rasaas sababtay in nagala saaro halkii aan joognay oo ahayd meel u dhexeysay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.”
Kooxaha weerarka qaaday waxay saddex ka mid ah wateen dharka lagu yaqaan ciidamada milateriga Somalia, kan kale oo ah ruuxa la qabtayna wuxuu xirnaa dhar caadi ah, waxayna dhammaantood ku hubeysnaayeen AK-47 iyo bam-gacmeedyo. Iyadoo la sheegay in ruuxa la qabtay uu ahaa mid laga yaqaan madaxtooyada iyo agagaarkeeda; taasoo u fududeysay inuu awood u yeesho inuu ka gudbiyo koontaroollada laga ilaaliyo madaxtooyada iyagoo ay u suuro-gashay inay gaaraan meel aan ka fogey dhismaha wasaaradda maaliyadda.
Ruuxan ayaa sheegay inuu ku lug lahaa weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya bishii Feberaayo ee sannadkan, kaasoo lagu dilay in ka badan 10 ruux oo ay ku jireen saraakiil dowladda ka tirsanaa, sidoo kalena uu wax ku lahaa weerarkii lagu qaaday hoteelka Maka Al-mukarama ee Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore. Sidoo kale, Xasan wuxuu ku sheegay wareysiga inuu muddo laba sano ah ku jiray howlo ka dhanka ah dowladda Soomaaliya oo ay Al-shabaab fulisay, uuna qorsheeyay weerarro dhiig badan uu ku daatay oo ay Al-shabaab Muqdisho ka fuliyeen.
“Warbixinnada madaxtooyada ee aan siin jiray Al-shabaab waxaan intooda badan gudbin jiray waqtiyada salaadaha, sida meelaha ay wasiirradu dhigtaan baabuurta, dhaq-dhaqaaqa wasiirka gaashaandhigga iyo arrimo kale oo muhiim ah,” ayuu Xasan ku yiri wareysigiisan.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in laba walaalihiis ka mid ahaa ay Al-shabaab ka tirsnaayeen ayna dhinteen iyagoo dagaalamaya, walaashiis ka yar oo uu ku sheegay magaceeda Najmo-na uu qabo sarkaal Al-shabaab ka tirsan oo lagu magacaabo, Cabdirisaaq kaasoo ahaa kan uu ku xirnaa. Wiilkan oo dhallinyaro ah ayaa ahaa darawalkii baabuurkii lagu fuliyay qarxii ismiidaaminta ahaa ee lagu weeraray dhismaha madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo noociisu ahaa NOAH, isagoo xusay inay gaariga u gadeen Al-shabaab, ayna siin jireen bil walba lacag dhan 200 oo doollar si uu xogta ugu gudbiyo.
Xasan oo dhaawac qaba ayaa ku jiraa xarunta hoggaanka baarista hay’adda nabadsugidda Qaranka, isagoo wareysiga lala yeeshay ku sheegay inuu khalad weyn galay, balse uu qof walba kula talinayo inuu mabda’iisa ku dheggenaado. HALKAN KA DHEGAYSO