Hargeysa (CH)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Tiknoolajiyadda iyo Cilmi-baadhista Somaliland Aadan Axmed Warsame oo shalay xilka wasaaraddaa ku wareejiyey wasiirka Cusub ee madaxweynuhu u magacaabay beddelkiisa Cali Xaamud Jibriil, ayaa ka sheekeeyey wax uu ku tilmaamay mucjiso Xagga Alle ka socotay oo gedaamnaa magacaabistii iyo Erigiisa.
Wasiirkii hore Aadan Axmed Warsame oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xilka ku wareejiyey oo shalay lagu qabtay xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda, waxa uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo xilka wasaaraddaas u magacaabay isaga oo iska hurda Aqal uu ka deggen yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska bishii June ee 2010-kii. Waxa kale oo uu sheegay in xil-ka-qaadistiisa loogu bushaareeyey isaga iska Hurda Aqalka uu ka deggen yahay magaalada Hargeysa wakhti ku siman Shantii Galabnimo ee todobaadkan.
“Wasaaraddan waxa la magacaabay 26 June, 2010-kii. Horta waa Mucjiso’e bishii la ii macaabay bisheedii baan xilka dhiibayaa. Been idiin Sheegi maayo, aniga oo Hurda Gurigayga London, ayaa laygu bushaareeyey oo inta Hurdada layga toosiyey, immikana aniga oo Shantii Galabnimo Hurda Gurigayga, ayaa laygu bushaareeyey Erigayga, markaa horta mucjisooyin baa iska socda Illaahiyo ah.
Wasiirkii hore ee wasaaradda Xidhiidh Goleyaasha, Tiknoolajiyadda iyo Cilmi-baadhista Somaliland waxa uu cabasho ka muujiyey duruufo dhaqaale la’aaneed oo ku gedaamnaa maamulka wasaaraddaas, taas oo uu sheegay inay caqabad ku noqotay gudashada waajibaadka shaqo ee loo igmaday.
“Wasaaraddani waa wasaarad aad u ballaadhan, laakiin wasaaraddu waxay shaqaysaa markuu jiro wax alla waxay u baahan tahay oo dhan ee miisaaniyaddu kugu filan tahay, ayay socotaa. Laakiin haddii miisaaniyaddaadu tahay mushaharkaaga, wax alla waxaad qaban karaysaa ma jirto,” ayuu yidhi Aadan Axmed Warsame.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda ee shalay xilka la wareegay Cali Xaamud Jibriil oo hore u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxabarashada iyo Tacliinta Sare oo madaxweynuhu xilka ka qaaday bishii Bishii June ee sanadkii 2013-kii, ayaa hadal kooban uu munaasibadda ka jeediyey waxa uu madaxweyne Siilaanyo uga mahad-celiyey inuu mar labaad xil uga magacaabo Golihiisa xukuumadda.
Munaasibadda xil-wareejinta labada masuul waxa ka qayb-galay Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Wasirul-dawlaha wasaaradda Waxbarashada, Masuuliyiin kala duwan iyo shaqaalaha hay’adaha dawladda Qaarkood.