Hargeysa (CH)- Wasiir ku-xigeenka waaxda Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Md Cismaan Garaad Soofe, ayaa maanta soo saaray go’aan lagu xalliyey khilaaf dhinaca dhulka ah oo ka dhex aloosnaa goleyaasha deegaanka magalooyinka Hargeysa iyo Sallaxley.
Todobaadkan horaantiisa ayaa isku-dhac sababay dhaawacyo soo gaadhay askar ka tirsan ciidamada boolisku dhexmaray Goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Sallaxley oo Isku khilaafay lahaanshiyaha maamulka deegaamo ku yaala Koonfurta-Bari ee caasimadda Hargeysa, kaas oo labada dhinacba sheeganayey in dhulkaasi maamulkooda hoos yimaaddo.
Sharciyad lagu sar-gooyey goobihii laga codeeyey aftidihii Dastuurka Somaliland ee sannadkii 2001-kii ka qabsoontay dalka, ayaa maanta ka soo baxay xafiiska Wasiir ku-xigeenka Maamulka gobollada iyo degmooyinka, ka dib kulan dhicisoobay oo dorraad laysku soo horfadhiisayey Goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Sallaxley.
Xeerkan lagu kala xadeeyey degmooyinka Hargeysa iyo Sallaxley, ayaa lagu sheegay in tuulada Toon ee Koonfur-Bari Hargeysa oo dhinaca Sallaxley raacsan ay tahay madaha u dhexeeya labada degmo, halka degmada Baligubadle oo markii dambe ku soo biirtay khilaafka dhinaca dhulka ah oo u dhexeeya Caasimadda looga dhigay made deegaanka Uubaalaha sare oo ku yaala Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Xubno ka mid ah Cuqaasha magaalada Hargeysa oo maanta warbaabinta kula hadlay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ka dib go’aanka ka soo baxay wasaaradda, ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aankaas.
Xubnaha Cuqaasha ah ee halkaas ka hadlay, waxa ay taageereen sharciyadda lagu xaliyey khilaafka dhinaca xuduudaha ah ee u dhexeeyey saddexda degmo, waxaana hadalladooda ka mid ahaa; Waxaanu taageersannahay sharciyaddan maanta soo baxday, murankaas soo noq-noqanayey baryahanba ee dhaawaca lahaa ee af-xumada lahaa ee caasimadda lagu qab-qabsanayey. Waanu taageersannahay, sharciyaddu inay shaqaysaana waa wax qudha ee aanu ku noolaan karno.”
“Waa sharciga goleyaasha baarlamaanka laga ansixiyey, laakiin ay wasaaradda Arrimaha Guduhu maanta soo saartay, ka dib khilaafyo ka dhacay kala-xadaynta degmooyinkaasi oo khasaare ka dhashay, Sidaa waxa mid ka mid ah cuqaasha oo halkaas ka hadlay.
In kasta oo khilaaf dhulka ee u dhexeeyay maamullada goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Sallaxley uu soo jiitamayey in muddo ah, haddana ma jiro wax jawaab ah oo labada dhinac ilaa immika kaga bixiyeen go’aanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM