Hargeysa (CH)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga ku bohoobay, ayaa sheegay inuu Somaliland ka jiro Raysal-wasaare Shaqadii Madaxweynaha haya oo aanay dadku badi isla aqoon, isla markaana ay Xukuumadda Siilaanyo tahay mid nidaamka dawladnimo ka qaldan yahay oo is-garab iyo daba-yaac ah.
Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan uu yahay Raysala-wasaare aan la magacaabin, hase ahaatee awooddii iyo shaqadii Raysal-wasaare lahaan jiray-ba leh.
Waxa uu Maxamed Xaashi Cilmi oo Masuulkaa sharraxayaa yidhi; “Xukuumada Maanta jirtaa malaha hoggaamin tayeysan (Leadership quality) waa dad is garab-yaacaya oo baratamaya oo lacag urursi uun ku jira ayaad is odhanaysaa, sidii dariiqadii hore ahaan jirtayna wax baa laga beddalay oo immika waxaa jira Raysal-wasaare aan muuqan (Prime minister) oo aan la magacaabin. Laakiin, shaqadii Raysal-wasaare-nimada haya.”
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu sheegay in Wefti kasta oo Wasiirro ka mudan oo hawsha loo socdaa shaqadooda tahay ay ku jiraan, haddana uu hoggaamiyo Wasiirka Madaxtooyadu, waxaanu yidhi; “Weftii ku maqnaa Bariga Wasiirka Madaxtooyada ayaa hoggaaminaaya, Wasiirkii Daakhiliguna wuu la socdaa, labadan marka laysku eegana ka arrimaha gudaha ayaa ka mudan, kii Maraykan loo tagayeyna ayaa inta Wasiirkii arrimaha dibedda la dhaafay ayaa isna waxaa hoggaaminaayey Wasiirka Madaxtooyada.”
“Kolkaa kala danbayntii jiri jirtay waxaad mooddaa in la dhaafay oo uu yahay Wasiirka Madaxtooyadu Raysal-wasaare aan la magacaabin, laakin jira, Xafiiskiisa haddaad aragto waad yaabaysaa sida loogu Xoonsanyahay maalin baannu Waraaq geynay oo meel aad u martaba heli maysid.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi oo shalay hadal ka jeediyey kulan ay Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, Xisbiyada Siyaasadda iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA kaga hadlayeen xukunka xaq-darrada ah ee Maxkamadda gobolka Hargeysa ku ridday Wargeyska Haatuf iyo Masuuliyiintiisa oo xadhig, ganaax lacageed iyo ruqsad kala noqosho la isugu daray, taasoo ay si kulul u cambaareeyeen.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM