Xildhibaan Luuqad Dibloomasiyadeed ku Fasiray Tanaasulka Muuse Biixi booska ugu banneeyey Madaxweyne Siilaanyo iyo Tabcooyin Siyaasadeed oo laysla maaggan yahay

0
375

“Siilaanyo dambe cod la siiyo ceeb ayuun baa laga qaadayaa baan u malaynayaa,”

Hargeysa (CH)- Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa go’aanka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye kaga tanaasulay hankiisa murashaxnimada madaxweynaha ee shanta sanno ee soo socota ku sifeeyey  lexejeclo ka haysa dhismaha xisbiga oo uu u diidan yahay burbur ka soo gaadha khilaafka garabyada u kala qaybiyey Kulmiye.

Muuse Biixi oo Sababeeyey Inuu Madaxweyne Siilaanyo uga Tanaasulo Murashaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye
MUUSE BIIXI CABDI

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka mid ah mudaneyaasha golaha Wakiillada ee laga soo doorto gobolka Gabiley, waxa kale oo uu ku dooday in madaxweyne Siilaanyo mar kale la helay dabin khiyaamo oo uu u dhigay Muuse Biixi maadama oo uu ogolaaday inuu hankiisa ka tanaasulo, isaga oo shegay in go’aankaasi ka lumiyey taageerayaashiisii isla markaana uu xilligan cidla taagan yahay.

“Anigu tanaasul uma arko ee waxaan u arkaa is-dhiib, Muuse-na xaqii uu Xisbiga ku lahaa iyo tacabkii uu Xisbiga soo geliyey ayuu isla-dhiibay, Muuse keligii buu meesha tegay, dadkina way ka hadheen, Xisbiyaduna way jiraan, dadkuna way ka tashan doonaan,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan oo warbaahinta ugu warramay Hargeysa.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Kulmiye mar kale ku dhacay dabinno uu Siilaanyo ku khiyaamayn jiray isaga iyo ragga kale ee xisbiga ku jira, waxaanu yidhi, “Qofka waa inaad barataa, Muuse intaas oo sannadadood bay wada shaqaynayeen Siilaanyo oo maalin walba la isu keenayey, Siilaanyana waa Siilaanyo uun, ballan meeshan jiraa ma jiro, ee khiyaamadii yarayd ee caadiga ahayd ee sannadkasta lagu waday ayuun baa maantana meesha ka dhacday. Muuse wax dambe oo u yaalla halkaas ma garanayo, Muuse arrinkiisi halkaasuu ku dhammaaday hadduu damac siyaasadeed lahaa iyo hadduu magac kale lahaaba.”

BASHIIR TUKAALEXildhibaan Bashiir Tukaale isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Horta Siilaanyo Oday wayn buu ahaa, Oday Mujaahid ah buu  ahaa, Magacaa iyo taariikhdaa uu lahaa wixii uu ku lahaa waa la siiyey, cod waa la siiyey, Madaxweyne ayaa laga dhigay, maantana waad aragtaan Hay’adihii dawliga ahaa ee dalku siday yihiin, qalfoof ahaan ayuun baynu u taagannay, markaa Siilaanyo dambe cod la siiyo ceeb ayuun baa laga qaadayaa baan u malaynayaa,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Tallaabada uu Muuse Biixi ugu tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo inuu noqdo Musharraxa keliya ee u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE shanta sano ee soo socda oo uu tanaasulka ka hor aad ugu ad-adkaa, ayaa timi ka dib markii Xubno ka mid ah Ganacsatada ay Muuse isku beesha yihiin ee Sacad Muuse ka hawl-galeen isu-soo-dhawayn labada dhinac ah iyo inay Muuse ku qanciyaan inuu ka tanaasulo go’aankiisaas, haseyeesehe lama oga waxyaabaha uu dhaafsaday go’aankiisii hore ee murashaxnimada ee ganacsatadu ku qancisay, taas oo uu ka oggolaaday  sida uu todobaadkan ku caddeeyey Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM