Somaliland oo ka hadashay Xuduudka Jabuuti oo Xidhan iyo Wax-ka-beddel oo lagu sameeyey isu-socodka labada Waddan

0
371

Hargeysa (CH)- Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyey wax-ka-beddel iyo xoojin dhinaca amniga ah oo lagu sameeyey isu-socodka gaadiidka isaga goosha Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, taas oo lagu xakamaynayo amni-darro ka timaadda kooxaha Xag-jirka ah.

lawgaTallaabada labada Xukuumadood ku gaadheen xoojinta ammaanka xuduudka u dhexeeya, ayaa ka dambeeyey ka dib markii kooxda Al-Shabaab Qaraxyo dad badani ku dhaawacmeen ka geysatay Maqaaxi Dadka Reer Galbeedka ahi ku caweeyaan oo ku taala badhtamaha magaalada Jabuuti. Waxaana baadhis la sameeyey lagu ogaaday in dadkii fuliyey qaraxyadaas midkooda ka tallaabaday dhinaca xuduudka Somaliland.

Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Axmed Cabdi Casood, ayaa sheegay in digtooni dhinaca amniga awgeed loo adkeeyey isaga gudubka xuduudka Somaliland iyo Jabuuti,  isaga oo sheegay in wax laga beddelay gaadiidkii dadka Jabuuti ka soo qaadi jiray ee toos u keeni jiray Somaliland.

Wasiirka waxa uu sheegay in gaadiidka Jabuuti ka soo qaadaya rakaabka u soo safraya Somaliland la keeni doono Xuduudka, halkaas oo ay ka soo qaadi doonaan gaadiid ka soo rakaabsan doona xuduudka oo u soo gudbin doona dhinaca Somaliland, isaga oo dhibaatada ay dadku kala kulmayaan isku-wareejinta gaadiidka ku sifeeyey dedaallo lagu adkaynayo ammaanka labada waddan.

Wasiirka oo la weydiiyey wax ka jira iyo sababta keentay Xuduudka u dhexeeya Jabuuti iyo Somaliland in la xidho iyo dad la sheegay in laga celiyey xuduudka labada waddan, waxa uu ku jawaabay, “Xaaladdu (adkeynta xadka) waa xaalad nabad galyo, xuduudda lama xidhin ee adkeynta waxa keentay dhibaatooyinka dhacay ee qaraxyada ama raadad lagu dabo jiro ayaa  sababay, laakiin wax dhibaato ah oo dhexyaalla  labada dawladood ma jirto. Dadkana lama celin ee baabuur baa halkaasi (Jabuuti) ka soo qaadaysa kuwo kalana halkan (Somaliland) ayey ka qaadayaan, dadaal badan ayaa la sameeyey oo waxa la doonayaa in dadka la hubsado waana arrimo amniga lagu adkeynayo,” ayuu yidhi Wasiirka oo la hadlay Qaar ka mid ah warbaabinta dalka.

Marka laga yimaaddo jawaabta wasiirku ka bixiyey xidhitaanka Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, haddana waxa maalmihii u dambeeyey jiray xannibaad iyo dad isaga gooshayey xuduudka oo la celiyey, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa magaalada xuduudka ku taala ee Lawyacaddo.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM