Wasiir Cukuse oo Madal lagu dhan yahay ku Kafaalo-qaaday Shaqaaleysiinta Dhalinyaro Tartan Faneed ku Guulaysatay

0
402

Hargeysa (CH)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ballan-qaaday inuu wasaaradda uu madaxda ka yahay ka shaqaaleysiinayo todoba dhalinyaro ah oo ku guulaystay tartan faneed telefishanka HCTV muddooyinkii u dambeysay u waday dhalinyaro gabdho iyo wiilal isugu jira.

Cabdilaahi-Maxamed-Daahir-Cukuse-AAAMunaasibad gunaanadka tartan-faneedkan caawa loogu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey todobada dhalinyarada ah ee tartanka ku guulaystay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro oo xukuumadda ka tirsan oo Wasiir Cukuse ka mid yahay, Madaxda Axsaabta Mucaaradka oo Eng Faysal Cali Waraabe ka mid yahay, Madax-dhaqameed, Bahda Fanka iyo Marti-sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa ballanqaaday inay wasaaraddiisu qaadanayso isla markaana shaqaaleysiinayso todobada dhalinyarada ah ee tartanka ku guulaystay oo wiilal iyo hablo isugu jira, waxaana hadalkii wasiirka kamid ahaa, “Caawa  laga bilaabo, waxaanu shaqaaleysiinnay todobaa dhalinyarada ee ku guulaystay tartanka heesaha, annaga oo ka shaqaaleysiinayna Waaxda Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Tallaabada wasiir Cukuse ku shaqaaleysiiyey dhalinyaradan, ayaa noqonaysa markii u horreysay tan iyo markii waaxda Dhaqan la hoos-geeyey wasaaraddaas, uu meel fagaare ah ku ballan-qaado shaqaale uu ka hawl-galiyo wasaaradda, gaar ahaan waaxda Wacyi-gelinta.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM