“Madaxweyne, Saxaafadda aad maanta xidh-xidhaysaa, waa kuwii shalay adiga oo gidaarkaas ka qaylinaya kuu hadlayey ee xoriyadda Saxaafadda iyo Xaqaaqa ku siinayay”
Hargeysa (CH)- Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay shuruucda iyo xeerarka u dejisan nidaamka dawladnimo ee dalka uga faa’idaysanayso danaheeda siyaasadeed, isla markaana ay meel kaga dhacayso xorriyatul qawlka iyo awoodaha goleyaasha Sharci-dejinta iyo Garsoorka. Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiilada Siciid Cilmi Rooble oo ay weheliyaan Xildhibaan Bashiir Tukaale, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Reyte, Xildhibaan Cabdikariim Aw-Cali Shabeel iyo Mudaneyaal kale oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha Wakiillada maanta, ayaa ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta ku-dhaqan la’aanta shuruucda iyo xeerarka Goleyaasha sharci-dejintu meelmariyeen oo ay masuuliyaddeeda dusha u saareen xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay ku tilmaameen inay ku sifowday nidaam u darban ku-tumashada Xuquuqda iyo xorriyatul-qawlka muwaadiniinta.
Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe, ayaa ku goodiyey in hab-dhaqanka xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku maamulayso dalka uu horseedi doono kala-dambayn la’aan iyo burbur ku yimaadda dimuqraadiyadda iyo dhismaha dawladnimada ee Somaliland. Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa oo u yidhi,“Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka hadalno sharciyad ka soo dhammaatay golayaasha sharci-dejinta, madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Saxeexay oo dhaqan-gelay, illaa iyo xilligaa aynu maanta joogno, hay’adihii Garsoorka iyo xukuumaddiiba ay diiddan yihiin inay ku dhaqmaan. Maalin kasta waxa Xamar ka dhacaya waad maqlaysaan, maalin kasta waxa halkanna ka dhacaya waad maqlaysaan. Maalin kasta, Xamar waxa maalinta ka dhaca, Suxufi baa lagu dilaa, halkanna waxa maalin kasta ka dhaca, Suxufi baa lagu xidhaa.”
“Haddii madaxweynaha hore xeerarka uu saxeexo lagu dhaqmi waayo, madaxweynaha dambena xeerarka lagu dhaqmi maayo. Haddii Golayaasha Sharci-dejinta shuruucda ay soo saareen lagu dhaqmi waayo, digreetada madaxweynuhu soo saarayna lagu dhaqmi maayo. Haddii Qarankan; Madaxweyne, Guddoomiyaha Maxkamadda ilaa Xeer ilaaliyaha Guud, xildhibaan ilaa Wasiir ilaa badhasaab, haddii hay’adaha ugu sareeya Qarankani sharciga raaci waayaan, qofka muwaadinka ah ee miskiinka ah iyo Suxufiga shilinkiisa raadsanaya, sharcigu kaligood qaban maayo,” ayuu yidhi Md Siciid Cilmi Rooble.
Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Garsoorka, Cadaaladda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu sheegay inay guddi ahaan sida ugu dhakhsaha badan ugu yeedhayaan isla markaana wax ka weydiinayaan sababta xeerkaas loogu dhaqmi waayey Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Xildhibaanku waxa uu baaq u jeediyey Madaxweynaha iyo hay’adaha Garsoorka dalka, waxaanu yidhi, “Waxaanu madaxweynaha ka codsanaynaa, Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud ka codsanaynaa in sharcigaas (Xeerka Saxaafadda) lagu dhaqmo oo suxufiyiinta xidhan xeerkoodaa lagu dhaqo, ilaa inta xeer kale la soo saarayana, kaasaa sharci ah, wax allaale iyo wixii kale ee lagu soo oogo Suxufigana, waa waxba kama jiraan. Golahani Qaraaro ayuu soo saari doonaa, iska horimaad ayaa iman doona, sidii waayadii Rayaale iyo Golihii hore ayay noqon doontaa. Anigu waxaan leeyahay oo aan ka digayaa, waynu nabad-qabnaa, laakiin waxaan leeyahay nabaddaasi jiri mayso, wanaagaasina jiri maayo, haddii aan shuruucda lagu dhaqmin.”
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu xukuumadiisa ku soo dabbaalo ilaalinta shuruucda iyo ku-dhaqanka xeerarka dalka. “Waxaan cod dheer ku leeyahay, waar xeerarka dalka u yaala halagu dhaqmo. Umaddu waxay umad ku noqon kartaa oo aynu ku jiri karnaa innaga oo shuruucda iyo waxa aynu dhigannay ixtiraamna. Shalay xarumaha warbaahinta ayaa la weeraray oo waynu ogeyn Hubaal tii ku dhacday ee markii la damcay in la laayo intay iyagu gacan ku dhigeen geeyeen hay’adihii sharciga ee dalka ee cidi waxba u qaban-weyday ee kii waxaas sameeyey la dallacsiiyey, waynu ognahay.”
“Madaxweyne, Saxaafadda aad maanta xidh-xidhaysaa, waa kuwii shalay adiga oo gidaarkaas ka qaylinaya kuu hadlayey ee xoriyadda Saxaafadda iyo Xaqaaqa ku siinayay. Markaa maanta inaad xidh-xidho xaq uguma lihid. Umaddani xeerar bay dhigatay ee sidaas ay u dhigatay haloogu dhaqmo. Xeerka saxaafadda ee madaxweynihii hore saxeexay waa in lagu dhaqmaa,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Waxa kale oo halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdikariim aw-Cali Shabeel, ayaa iftiimiyey kaalinta hoggaamineed ee madaxweynaha dalku ku leeyahay hagidda iyo jihaynta dawlanimada, isaga oo dhinaca kale talooyin ugu jeediyey warbaahinta madaxa bannaan ilaalinta karaamada qofka masuulka ah.
“Haddii Xeerarka Golaha ka baxay lagu dhaqmi waayo oo maxkamaduhu fulin waayaan, madaxweynuhuna ku daba-geli waayo waa dhibaato, waayo madaxweynuhu waa taliyaha Guud ee Ciidamada, waa xaakimka waddanka ugu sarreeya, isaga ayay tahay inuu xukuumadda iyo hay’adaha garsoorka uu ku daba-galo xeerarka ka baxa goleyaasha Qaranka ee dhaqan-gala, in siyada ay yihiin loogu dhaqmay,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariim aw-Cali Shabeel. Xildhibaan oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aan soo jeedinayaa, jaraa’idkeena qaar inay ka waan-toobaan iyaga qudhoodu wixii aflaaddo ee qofka karaamadiisa iyo shakhsiyaddiisa wax u dhimaya oo had iyo goor aynu aragno dhac-dhac badani inuu taas ka jiro, inay ka waantoobaan oo dhaqanka noocaas ah ay wax ka beddelaan.”
Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Reyte), ayaa ka hadlay sida ay waajib u tahay in dacwadaha loo haysto hay’adaha warbaahinta iyo Suxufiyiinta dambigoodu ku egyahya xayndaabka saxaafadda in loo adeegsado xeerka saxaafaddu leedahay ee xukuumaddii hore ee madaxweyne Daahir Rayaale ansixisay. Waxa uu xildhibaanku ka digay saamaynta taban ee dabbaqaad la’aanta shuruucda dalku ku keeni karaan dawladnimada kala-dambaynta.
Isaga oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Nabad-gelyada, wada-jirka iyo dawladnimada Somaliland waxay ku dhisan tahay xeer, haddii xeer la waayo dawladnimo waa la waayayaa. Xukuumadda oo ay ka muuqato calaamado farabadan oo ah inay xeerka iyo dastuurka bar-bar marayaan, waxaan ugu baaqayaa inay waddada ku soo noqdaa.”
Xildhibaanku waxa uu ka hadlay dacwadda u dhaxaysa Wargeyska Haatuf iyo masuuliyiin Dawladda ka tirsan iyo sida ugu habboon ee nidaamka sharciga ah loogu mari karo dacwaddaas, waxaanu yidhi, “Markaan ka hadlo arrinta Haatuf iyo Hantiilaha Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxa lagu eedaynayaa inuu qoray warar dad ama shakhsiyaad madax ahi ka cawdeen. Dunida way ka dhacdaa, xeer baase ka yaale. Haddii Yuusuf Cabdi Gaboobe uu caddeeyo waxaas uu qoray inuu run yahay, wax ka soo qaad ma leh siduu doono shakhsiga cabanayaa ha u cawdee, waa sideeda, haddiise uu caddeyn waayo oo qofka wax laga qoray keeno caddeymo muujinaya inay wararkaasi been yihiin, markaa Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Joornaalkiisa inay Mag-dhow bixiyaan. Marna meesha kuma jiro wax xadhig layidhaahdaa, xeerka lagu qaadayaa ee Pinel Cord-ku waa xeerkii Soomaaliya oo markaad akhrido kala-badhow badhbaa dastuurkiina ka soo horjeeda. Qodob kasta oo xeerkaas ku jira waa nasakhan yahay maadama uu dastuurka ka soo horjeedo.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Arrintani maaha Cabbudhin Saxaafadda iyo xorriyatul-qawlka lagu cabbudhinayo oo kaliya, arrintani waxay dishay oo dhaawac u geysatay Garsoorkeennii, waxay baabiisay kalsoonidii shacabku ku qabay Maxkamadaha iyo garsoorka; maxkamadaha iyo garsoorku karaamo iyo sharaf bay leeyihiin, haddiise ay waxyaalaha noocan ahi ka dhacaan, kalsoonidii shacabku ku qabay way dhimanaysaa, haddii uu Garsoorku innaga dhintana, waax dhanbaa ina dumaysa.”
Md Ibraahim Jaamac Reyte, waxa uu tilmaamay caqabado qadiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo kasbashada beesha caalamka uga iman kara hab-dhaqannada xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxaan u sheegayaa cidda arrintan daba ka wadda ee xukuumadda, ictiraaf baad raadinaysaan, waxanna waa wixii ictiraafka burinayey , adduunyada kaligeen ma noolin oo qof madow kuma jirno, dal baynu nahay, waa la inala joogaa. Waxa noocaas ah ee dalka ka dhacaya ee fool-xumadaas leh ee saxaafaddii iyo garsoorkiiba magac-xumada u ah, waxay liddi ku tahay muuqaalkeenna iyo magacii ay Somaliland ku doonaysay ictiraafka.”
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM