Hargeysa (CH)- Guddoomiye ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa madaxtooyada Somaliland ku eedeyey inay ka dambaysay Xadhigga lagula Kacay Guddoomiyaha Garabka Haweenka UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage oo muddo afar maalmood ah ku xidhan Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa.
Ciidamo Boolis ah oo uu soo diray Taliyaha Saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa, ayaa 18-kii Bishan Marwo Xaliimo ka kaxeeyey meherad ay ku leedahay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay inuu Amarka xadhiggeeda uu bixiyey Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Maroodijeex.