Hargeysa (CH)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday inuu ka tanaasulay Musharraxnimada jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas oo uu hore u sheegay inuu u tartamayo, isla markaana khilaaf iyo kala-fogaan ka dhex-abuuray KULMIYE.
Tanaasulka Muuse Biixi oo soo baxday xalay, ka dib markii ay Ganacsato ay isku beel yihiin ku qanciyeen inuu tanaasulo, isla markaana ay kulan gaar ah isku horfadhiisiyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi. Waxaanu kulankaas ka dib Guddoomiye Biixi, tanaasulkiisa ku caddeeyey Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta dhexe ee KULMIYE ku leeyahay magaalada Hargeysa, isaga oo ku dooday haddii uu Musharraxnimadii Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE uu waayey inaanu waxba waayeynin.
HALKAN KA DAAWO