Golaha deegaanka Hargeysa oo Kal-fadhigooda 6aad ku Ansixiyey Afar Qodob oo Muhiim ah iyo Wax-qabadka Afartii bilood ee u dambeeyey

0
419

Hargeysa (CH)- Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa maanta yeeshay Kal-fadhigooda Lixaad oo ay ku ansixiyeen Afar Qodob oo ay u gudbiyeen Guddiga Joogtada ah ee Golaha.

GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSAKulanka maanta ahaa maalintii 2aad ee Kal-fadhiga 6aad ee Golaha deegaanka oo uu shir-gudoominayay Maayarka Caasimadda isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa xil-dhibaannadu cod-gacan taag ah ku ansixiyeen Afarta Qodob ee Guddiga u soo gudbiyeen.  

Codka gacan-taagga ah ee lagu anisixiyey qodobbadaas, waxa kulanka ka hadlay oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada iyo waxyaabaha qodobaadaasi xambaarsan yihiin, Duqa caasimadda Cabdiraxmaan-Soltelco, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxaaynu maanta halkan ka bilaabnay inaynu warbixino ka dhegaysano guddiyada. Sidaad halka ku arkaysaana kani waxa weeyaan buuggii waxqabadka golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa, laakiin warbixinta aanu bixinayno waxa weeyaan afartii bilood ee ina dhaafay iyo wax yaabaha taagan oo ay ka mid tahay ajandayaasheena in ay ku jiraan,” ayuu yidhi Duqa Caasimaddu.

Maayarka Caasimaddu waxa uu ka warramay wax-qabadka ay ku tallaabsadeen Afartii bilood ee u dambeysay iyo qorshayaasha u dejisan inay ku fulintooda ku tallaabsadaan. “Runtii, afartii bilood ee ugu horeeyay sanadkan hawlo badan ayaynu qabanay oo ah waddada Dhexe ee kasoo bilaabmaysa Halleeya kuna joogta Isgoyska xaafadda Jigjiga yar. Maalmaha soo socdana la gaadhsiin doono ilaa Kaantaroolka, halkaas oo ay lacag badani ku baxday, qayb ka mid ah waxa bixiyay xukuumadda, qaybta kale waxa bixisay Dawladda Hoose ee Hargaysa,” ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu dhammaan beddelnay shirkadihii guri jiray qashinka, shirkadii koowaad ee soo dhamaysatay qalabkii Qashinka waxa ay hawl-gali doontaa Salaasada inagu soo aaddan,waxaanan u samayn doonaa xafladda, mar haddii ay la yimaddeen iska rogooyinkii qashinka duubanayay.”

Qodobbada Golaha Deegaanka Hargeysa shalay ansixiyey, ayaa kala ah: 1) In Lacagtii waddooyinka lagu qornay markii la samaynaynay waddada Dhexe lagu soo wareejiyay waddadaas dhexe. 2) In ay Dawlada hoose amaahato lacag ay kusoo iibsato Qalabkii wadooyinka. 3) In la ansixiyo Lacagtii Ciyaartoyda ku ciyaara magaca caasimada ee tagay magaalada Kambaala. 4). In Moyarka Caasimada Laascaanood oo gaadhigiisi qalibmay loo iibiyo gaadhi.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM