Hargeysa (CH)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta Xabsiga u taxaabtay Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga UCID Marwo Xaliimo Cismaan Raage oo ku xidhan saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa.
Marwo Xaliimo Cismaan Raage, ayaa ciidamada Booliska Saldhigga Dhexe maanta Duhurnimadii u taxaabeen xabsiga iyada oo wakhtigaas ku sugnayd meherad ay ku leedahay Suuqa Waaheen ee badhtamaha Hargeysa, ilaa immikana lama Oga Sababta ka dambaysa xadhiggeeda.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi iyo Mujaahid Yuusuf Xasan Liibaan (Yusuf Foosto) oo ka tirsan Xisbiga, ayaa sheegay in Taliyaha Saldhigga Dhexe u xaqiijiyey in Amarka lagu xidhay Marwo Xaliimo Cismaan Raage uu kaga yimi madaxda ka sarreysa, isla markaana aanu wax ka war ah ka haynin sababta Xadhiggeeda, taas oo iftiimisay inay Xukuumadda Dhexe ka dambayso Xadhigga lagula kacay Xaliimo Cismaan Raage.
HALKAN KA DHEGAYSO MASUULIYIINTA XISBIGA OO CAMBAAREEYEY
CODKAHARGEYSA.COM