Nairobi (CH)- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub, ayaa manta kala saxeexday Heshiis la xidhiidha Barnaamij horumarineed oo koobaya taageerada Midowga Yurub ku caawiyo ee dalkaasi Somaliya.Raysul-warsaaraha Dowladda Federalaalka Soomaaliya, Cabdiweli Shiekh Axmed iyo Agaasimaha Kaalmada Horumarinta, Andris Piebalgs, waxa ay saxeexeenBarnaamij Tusmeedka Qaran ugu horeeyey ee uu dalku yeesho, dhexmarayna Midowga Yurub iyo Soomaaliya mudadi 25ta sanno la soo dhaafay ka dib, kaasoo daba socda marki dhawaan Soomaaliya loo ogolaaday ka mid noqoshada Heshiiska Cotonou.
Heshiiska Cotonou waa heshiiska iskaashi ugu balaaran ee ka dhexeeya dalalka soo korayaa iyo Midowga Yurub, wuxuuna ahaa qaabeeyaha xiriirka Midowga Yurub la leeyahay 79ka dal ee (Africa, the Caribbean and the Pacific (ACP).
Raisul-warsaara Cabdiweli wuxuu hoosta ka xariiqay oo uu sheegay ka dib saxeexa Heshiiska, “Soomaaliya waxay ka gudbeysaa heshiis gaboobay waxayna u gudbeysaa Heshiiska Cusub. Arrintu ma ahan kaliya baaxadda balaaran ee lacagaha la saadali kara ee loogu tala galay mudnaanyaha ku jira Heshiiska Cusub. Arrintu waxay tahay balanqaadka Agaasime Piebalgs uu ku awood-siinayo Dowladda Federaalka toosna ugu taagyeerayo howlaha assasiga ah ee dowladda ayadoo loo marayo dhaqaale shuraka badan leeyihiin waana middaas mid ah bedelaha cayaarta. Midowga Yurub wuxuu ka cayaari karaa kaalin muhim ah asagoo u ah fure iyo jid-mareed dalaka Xubnaha ka ah Midowga Yurub in ay xoojiyaa taagyeeridda Soomaaliya si ay u gudataa Hiigsiga 2016ka,” ayuu yidhi Reysal-wasaaraha Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso oo isaguna ka hadlay heshiiskan, waxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Tani waa wax ka badan tusaale marxaladeed. Saxiixa wada jirka ah ee Barnaamij Tusmeedka Soomaaliya ee dhowrka sanno soconaya wuxuu jawaab u yahay Heshiiska Cusub ee Brussels lagu saxiixay sannadi hore wuxuuna u ogolaanayaa in tallaabooyin cad-cad lagu tarjumaa ka mid noqoshada Soomaaliya Heshiiski Cotonou. Midowga Yurub wuxuu u qoodeynayaa 286 milyan yuro (US 400) si dib loogu dhiso Soomaaliya nabad iyo baqwaaqa ah,” ayuu yidhi.
Sida lagu heshiiyey inti uu socday shirki Brussels, Barnaamij Tusmeedka Qaran ee Soomaaliya waxaa lagu xidhiidhiyey mudnaayaha iyo ujeedooyinka Heshiiska Cusub, halka Sanduuqa Kaalmada Horumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliya (SDRF) uu noqonayo wadiiqada loo isticmaalyo meelmarinta banaamijyada hadba meeshi haboonaata.
Sannak 2014, Midowga Yurub wuxuu u qoondeynayaa 100 milyan Yuro ee ka mid ah Qaybti 11aad ee Sanduuqa Horumarinta Reer Yurub (ADF) iyo tabta xasilinta ee lagu taagyeero dowlad dhiska iyo nabadda, adkeysiga, amaanka cuntada iyo waxbarashada. Taagyeero dheeraad ah waxaa lagu siin doonaa ayadoo la adeegsanaayo Tabo ujeedo beegsi leh, sidoo kale ergooyinka CSDP iyo haya’da ECHO ee qaabilsan daboolidda baahiyaha bani’aadanimo. Taagyeerida Midowga Yurub ee AMISOM waxay gaareysaa 240 milyan yuro sannadiiba.
Bishii March, 2010, Guddiga Reer Yurub iyo Kooxda loo yaqaan (African Caribbean Pacific group) waxay isla soo gebagebeeyeen dib u eegisti labaad ee Heshiiska Iskkashiga Cotonou taasoo daba socotay dib u eegisti koowaad ee 2001. Wax-wada-qabsiga ACP-EU waxaa lagu jaan gooyey dhibaatooyinka cusub sida: isbedelka cimilada, amaanka cunta, isbahaysiga gobaleed, nuglaanshada dowlad iyo wax-galka kaalmada.
Sida heshiiskani dhigayo, dal kastoo ka mid ah ACP ee ka mid noqonaya Heshiiska Cotonou, Barnaamij Tusmeedka Qaran wuxuu u yahay banaamij howleed ee daboolayaa dhowr sanadood, qeexayane ujeedooyin la cabiri kara, kooxaha la beegsanayo, barnaamijyada lagu gaarayo ujeedooyinkaas, kaalmada uu gesysanyo deeq-bixiyuhu, dabeecada iyo ujeedada wadiiqooyinka taagyeero, natiijooyinka la filayo iyo jadwalka meelmarinta.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM