Guddoomiye Cirro oo ka Digay In Difaaca Qaranimada Mar-marsiinyo looga Dhigto Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka

0
294

Burco (CH)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo dadweynaha reer Somaliland in la is-barbar wado difaaca qaranka iyo socodsiinta hawlaha doorashooyinka, la iskana ilaaliyo wax dib-u-dhac iyo muddo-kordhin ah.

CirroMd. Cabdiraxmaan Cirro oo hadal ka jeediyey xaflad magaalada Burco loogu sameeyey taageerayaal xisbiga WADDANI ku biiray shalay, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin in gacanna ku difaacaan qarannimada Somaliland, gacanna ku codeeyaan, isagoo ka digay in difaaca qaranka marmarsiiyo looga dhigto dib-u-dhac ku yimaad diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo qabsoomidda doorashooyinka u muddaysan sannadka 2015.

 “Nin masuuliyiintii hore ee Soomaaliya ka mid ahaa, ayaa waxa isku soo beegmay waqti dagaal iyo doorashooyinkii dhici lahaa, kadibna waxa la weydiiyey doorashada iyo dagaalka sideed isugu wadaysaan, wuxuunna ku jawaabay, “Gacanna qaranka ayaannu ku difaacaynaa, ta kalena waannu ku codaynaynaa. Markaa xukuumadda waxaynnu leenahay gacanna qaranka ayaannu ku difaaci, gacanna waxaannu rabnaa in aannu ku coddayno, iskuna diwaangelino. Waxaan rajaynayaa in aannu difaaca qaranku marmarsiiyo u noqon dib-u-dhac ku yimaad diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashadaba. Waxaan leeyahay doorashadu waqtigeeda ha ku dhacdo, difaaca qarankana waynnu ka midaysannahay.”

Waxa  uu intaa ku daray in dimoqraadiyadda Somaliland lagu qiimeeyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka ka jira, isagoo ku baaqay in cid kastoo gacanta ku haysa hawlaha doorashooyinka iyo diiwaangelintu ka soo baxaan waajibkooda qaran si dalku u guto xaqa ay u leeyihiin in dadku codeeyo, waxna doorto, arrintaasoo uu xusay inay aasaas u tahay dimoqraadiyadda adduunku ku ammaano Jamhuuriyadda Somaliland.

 “Waxa aad ka war qabtaan in ciidanka qaranka oo waajibkiisa ciidannimo gudanaya uu hore u baxay si uu u sugo amniga degmooyin ka mid ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid tahay degmada Taleex. Degmadaasi waxay ka mid tahay dhulka Somaliland, dadka ku noolna waa shacbi reer Somaliland ah, waanan ku hambalyeynayaa ciidanka qaranka tallaabadaas uu qaaday.

Waxa dhamaanteen innagu waajib ah marka ay danta qaranka tahay in aynu u midawno, qarankana wada daafacno, xukuumadda iyo ciidanka qarankana anynu ku taageerno inay gutaan waajibkooda, maadaama difaaca qaranku yahay waajibka xukuumadda, waxaanan rajaynaynaa inay xilkeeda ka soo baxdo, hagaajisana siyaasadda arrimaha gudaha iyo dibaddaba. Haddii siyaasadda arrimaha guduhu xumaato waxay saamayn ku yeelanaysaa siyaasadda khaarajiga, markaa waxaan rajaynayaa in aanay labada siyaasadoodba hal mar innaga wada dhiman,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM