Dawladda Uganda oo Baafinaysa Xubno Al-Shabaab ah oo Dalkeeda ku galay Gaadiidka Qaramada Midoobay

0
341

Kampala (CodkaHargeysa)- Saraakiisha ammaanka dalka Uganda, ayaa sheegay in xubno kooxda Al-Shabaab ka tirsan ay gawaadhi lagu dhejiyey lambarada Qaramada Midoobay oo been-abuur ah ku xidhan yihiin si sharci-daro ku soo galeen dalkooda.

UN_carsCiidamada Ammaanka ee dalka Uganda, ayaa todobaadkii hore gacanta ku dhigay dad Soomaali ah oo sharci-darro ku galay dalkooda, ka dib markii ay ka tallaabeen xuduudka ay wadaan Kenya, balse umay suurto-galin inay gacan ku dhigaan rag Soomaali ah oo watay Afar gaadhi oo ciidamada sirdoonka dalkaasi sheegeen inay ka gudbeen xuduudka Kenya.

Afhayeen u hadlay booliiska dalkaas, Fred Enanga, oo warbaahinta ugu warramay Caasimadda dalkaas ee Kampala, ayaa sheegay in baadhitaan ay sameeyeen ka dib ku ogaadeen in raggii watay gaadiidkaas oo ilaa hadda aan la garanayn meel ay ku dambeeyeen, ay ahaayeen afar gaadhi oo nooca Land Cruiser ah oo ay wateen xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo uga gudbay xuduudka dalka Kenya.

“Argagxiso Al-Shabaab ah oo ku socdaalayey afar gawaadhida Land Cruiser ah, oo laba ku xidhnaayeen calanka Qaramada Midoobay iyo taariko ah UN 10K iyo UN 105KP, ayey ahaayeen, dadweynaha ciddii aragta hala soo socodsiiso ciidamada amaanka,” ayuu yidhi Sarkaalkani, isaga oo intaas ku daray in labada gaadhi ee kale ay ku xidhnaayeen taarikada dalka Ugandha.

Weerar is-miidaamin ah oo Kooxda Al-Shabaab sannadkii 2010-kii ka fuliyeen goob caways ah oo lagu daawanayey Ciyaarihii Koobka adduunka ee Afar sanno ka hor, ayaa geystay khasaare dhimasho oo gaadhayey 80 qof halka dhaawacmo intaas ka badan ay buux-dhaafiyeen cusbitaallada caasimadda dalkaas ee Uganda.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM