Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Shaacisay Xilliga uu bilaabmayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe iyo Sare

0
341

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in imitixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada 8aad ee dugsiyada Dhexe iyo Fasalka Afraad ee dugsiyada sare ay si rasmi ah uga bilaabmayaan dalka 21-ka Bishan June.

SAMSAMImtixaanaadka Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo gobollada iyo degmooyinka dalka ka bilaabmi doono muddo todobaad ah ka dib, waxa sannadkan u fadhiisanaya arday tiradoodu gaadhayso 21,089 arday kuwaas oo isugu jira dugsiyada Dhexe iyo Sare ee dhammaan gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo uu weheliyo Guddoomiyaha Guddiga Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa shir-jaraa’id  oo maanta ay ku qabatay Xafiiska Imtixaanaadka, waxa ay sheegtay in sannadkani ka duwan yahay qaababkii imtixaanka looga qaadi jiray ardayda isla markaana loo fududeeyey qaabka diyaar-garowga imtixaannaadka.

Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlaysay tirada Ardayda Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Imtixaanka u fadhiisanaya, waxa ay tidhi, “Bishan 21-keeda ayay si rasmiya imtixaannadu gobollada Somaliland ay uga dhici doonaan. Dugsiyada Dhexe waxa imtixaanka u fadhiisanaya 13,306 (Toban iyo Saddex kun, Saddex boqol iyo Lix) arday.

17,783 (Toban iyo Todoba Kun, Todoba boqol, Siddeetan iyo saddex) ardayna waa dugsiyada Sare. Waxa ka hawl-galaya 1,476 shaqaale ah hadday yihiin kuwo ilaalinaya ilaa kuwa nabad-gelyada.”

Wasiirka Waxbarashada Somaliland waxa ay sheegtay adeegyo fududeynaya imtixaanka oo ardayda loo diyaariyey sannadkan, halka sidoo kale wax laga beddelay qaabka diyaarinta imtixaanka oo ay xustay in wakhtiyadii hore ay diyaarin jireen macalimiinta dugsiyada qaarkood. “Waxaan u malaynayaa inay sannadkan ka wanaagsanaan doonto, waayo waxa loo diyaariyey buugaagta imtixaannada oo ay iibsan karaan oo muddaba suuqa ugu jiray, kuwaas oo ah imtixaannadii la qaadi jiray oo buug laga dhigay.”

Wasiirku waxa ay intaas ku dartay hadalkeeda, “Sannadkan waxaa laga maarmay inuu macalin dibadda ka yimaaddaa imtixaanka diyaariyo. Xarunta imtixaanaadka iyo shaqaala ayaa imtixaanka diyaariyey. Macalin Iskuul looga yeedhay oo imtixaanka diyaariyey ma jiro, kalsooni badan ayay ardayda siinaysaa,” ayey tidhi Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM