Madax-dhaqameedka iyo Wax-garadka Beelaha Subeer Awal oo Kulan laysku Arkay ku Qaaddacay Go’aankii Guurtidu ka soo saartay Dhex-dhexaadinta Kulmiye

0
326

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhalinyaradda beesha Subeer Awal, ayaa xaflad ay kaga hadlayeen aayahooga mustaqbal xalay ku qabtay magaaladda Hargeysa, haseyeeshee ciidan badan ayaa lagu soo dhoobay goobta ay shirku ka dhacayey.

IMG_1616Dadweynihii iskugu yimid hoteel Crown oo munaasibaddu ka dhacay ayaa xoog ku galay, inkastoo ciidanku ay rasaas cirka u rideen si loo kala cararo, haseyeeshee dadkii uma joojin waxay xafladooddii ugu hirgashay si qasab ah.

Sidoo kale, wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa masaajidka ku yaalla hoteelka dusha lagaga xidhay si aanu uga qaybgalin xafladda, taasina waxay sii kcisay dareenkii dadweynihii goobta ku sugnaa oo aad uga xanaaqay arrintaasi.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadda meesha ka dhacday iyo sida ay isku shabahaan nidaamkii Siyaad Bare samayn jirtay, waxaanu tilmaamay in hadaladda la sheegayo in madaxweynuhu dalka maamulin u xaqiijinayso sida arrimahan oo kale u dhacayaan, iyagoo xusay inay nasiib daro tahay in madaxweyne Siilaanyo oo dalka madaxweyne ka ah cabudhinta intaas leegi ka dhacdo dalka, isla markaana guryaha la hurhurdo loo soo dhaco.

IMG_0044Maxamed Xaashi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waa nasiibdaro arrimahan halkana caawa kala kulanay iyo cabudhis intaas leeg, waxaanqabaa anagu waxaanu ahayn qoladii SNM aasaastay, waxaanu ka dhiidhinay waxay ahayd cabudhinta iyo cago jugteynta  ina Siyaad Bare, tii baa caawa kala kulanay oo Siilaanyo ka madax yahay xukuumadda waligay meesha ma soo dhigan, ma doonayno in aanu falqalalo soo galino maanta in ay dalka nooga lexjeclo xuntahay ma qabo, Shan iyo sodan sanadood ayaanu ka hor abuurnay SNM tacab badana ayaa nagalay waa nasiib daro weyn dadkii xoriyadoodii usoo galaan inay tii oo kale caawo halkan ka dhacdo waa nasiibdaro, ma jecli in aanu khasaarno in halgankii khasaare oo nala yidhaahdo maxay Siyaad Bare u sheeganaynay  mana aqbalo karno sidan wax loo waddo, kitaab bay gacanta saareen inay dadka iyo dalka daacad u ahaaanayo oo dadkiisu u sinaanayo, kitaanbkaasi inta ku dhaaratay madaxweynaha oo qudha maaha ee wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa ku dhaartay, waxyaalaha imika soo socda way ku fashilmeen, dalkeena sida aynu u badbaadin lahaayeen ee qalooca looga saari lahaa ayaaa loo baahan yahay, maaha in Cali Warancadde oo NSS tii Siyaad Bare u shaqayanayo inuu  albaabka inaga  xidho, waxay ahay in liis madow lagu qoro intii siyaad Bare la joogtay oo aanay dawlada u shaqayn, waxa weeyi sharciga aynu dhiganay ayaa ah inay ku shaqayno, nimankii guurtida ahaa inay iyaguna sharcigii ka leexdeen  oo wax ay soo malmaluuqeen yidhaahdeen wax baanu ku qaadanayna waa nasib daro weyn, waxa sharciga loo dhigo lagu kala baxo oo la isku ilaaliyo, inta dadka la xidh xidho la yidhaahdo hayb hayb loo waraysto oo wixii reer gaar ah la yidhaahdo waa la xidhayaa waa ceeb weyn, waxa la samaystay RRU, waxa ay u dhaceen caruurtii uu dhalay mujaahid bari hore geeriyooday, meel ku filan in waraaq loo keeno ayaa habeen badh caruurtii laga sasinayaa, waxa maqlaa madaxweynuhu talada inta badan maba hayaa, marka aan arko waxyalahaa dhacaya aad baan u quustay, waayo ma filayn in madaxweyne Axmed Siilaanyo ma filayn inuu yidhaahdo habeen  badh gurya u dhaca oo madaxa qarsadda ma qabo, waxaasi waxay isii xaqijisaa in aanu taladu isaga gacanta ugu jirin”.

IMG_1634Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay  Dr:Maxamed Cabdi (Digtoorka) waxaanu sheegay inuu ka murugooda marka uu arko waxan dhacaya, isla markaana ay caawa soo kicisay dhibaatadda lagu hayo dadweynaha iyo cabudhinta ku socota.

Digtoorka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “wax badan ayaa kamurugoon jiray wixii dalkan ka dhacay iyo dadkii aanu kala tagno markaan maqlo, maanta tii oo kale ayaa dhacaysa waxa dadkii loo diiday inay xaflad qabsadaan barigii SNM la bilaabay waxa isku kayo keenay wuxuu ahaa wixii soomaaliya ka dhacaya, waxaan ka murugooda marka kuwaasi xasuusto iyo xaaladda maanta dalku marayo waxaan ka murugoonaya dadka albaabka laga xidhay, markaan arkay inay xaaladu adag tahay ayaan soo kacay waligay ismaan lahayn wixii ka dambeeyey halganka nin baa ku fikiri waxaad doontid dadka ku samee,waxaan filaya waxa waxan wadda waa kuwo aan halkanka ku jirin”

IMG_1599“Guurtidii gartii ay qaaday ma ogolin, Saleebaan, xaajiga Cabdi waxaan leeyahay ilaahay hortii gar baa la idin dhiibee maxaad sidaas u yeesheen, hogaankii kulmiye maxaad u tidhaahdeen halkaasi ka baxa, waxa la isla ogolaa uun baa la ansixiyey, madaxweynaha waxaan leeyahay jabhad baad soo hogaamisay waxba dhacay shan iyo sodan dabadeed ninkii sidaas u eegaba wuu qabsan doonaa ismaan lahayn, axyalhaaasi oo kale wuu ka weyn yahay baan lahaa”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Jabane, Axmed Like iyo masuuliyiin kale oo  dhamaantood sheegay in aanay aqbali Karin go’aankii golaha Guurtidda ku xaliyeen khilaafka KULMIYE.