Sida xaqiiqada ah dhismaha iyo haykalka qaranka Somaliland waa mid ka iftiimaya guud ahaan qaarada afrika gaar ahaana mandaqada bariga afrika,Balse waxaa caqabad inagu ah qodob dalalka caalamka inagaga xidhan oo aynu ka sugaynay saddex iyo Labaatan sannadood, qodobkaasina waa aqoonsiga qarankan Somaliland.
Haddaba, inta aanan u gudbin faalada halku dhega qormaddan oo ah hoos u dhac ka muuqda hay’adaha dhaqaalaha dalkeenna ee wakhtigan, waxan waxyar ka tilmaamayaa faa’iidada uu inaga horjoogo aqoonsi la’aantu, waa kuwan:-
-Aqoonsigu wuxu inagaga gudban yahay xidhiidhka siyaasadeed ee dalka caalamka aynu la yeelan lahayn
-Xidhiidhka ganacsi iyo maalgalineed ee dalalka caalamka aynu la yeelan lahayn
-Xidhiidhka wax-soo-saarka ee khayraadka dalkeenna iyo shirkaddaha caalamiga ah dhexmari lahaa.
Intaasi kuma koobna caqabadaha aqoonsigu inagaga gudban yahay, balse waxan ka soo qaatay dhowrka qodob ee ugu muhiimsan.
Haddaba, waxan u gudbaya faaladda halku dhigga mowduucan oo ah hay’adihii dhaqaalaha dalka waxa ka muuqda hoos u dhaca,haddaba hay’adaha dhaqaalaha dalka ee waxsoosaarku waa kuwee? Dabcan waa su’aal qeexiteeda ay u baahan yihiin shacabka Somaliland inay ogaadaan guud ahaan wasaaradaha ama hay’adaha dalkeenna inta waxsoosaarka ah iyo inta farsamadda ku shaqada leh.
Sidaas awgeed hay’adaha waxsoosaarka dalka iyo maamulka dhaqaaluhu waxay kala yihiin:-W/beeraha, W/kalluumaysiga, W/macdanta iyo shidaalka, W/maaliyadda, W/ganacsiga iyo maalgashigga caalamiga ah, W/xoolaha, W/qorsheynta, Hanti dhowrka guud ee qaranka, Baanka dhexe iyo xafiiska guud ee dakhliga iyo kharashka dowlada.
Hadaba, anigoo hay’adkasta ama wasaaradkasta si gaar uga faaloon doona waajibaadkeeda shaqo waxan ku hormarayna hay’adaha waxsoo-saarka qaranka:-
–Wasaaradda Beeraha:
Wasaaradda beeraha dalkeenu dhisme ahaan waxay ugu jirtaa qaranka Somaliland kaalinta koowaad ee waxsoosaarka dalka.Haddaba wasaarada beeraha oo dhisme ahaan jirta, ma ku sheegi karnaa kaalinteeda shaqo ee horumarinta beeraha iyo tabaca waxsoosaarka beeruhu mid boqolkiiba kontan shaqeeya?Jawaabtu waxa weeye maya..maya..may, waxa kaliya ee u qabsoomay wasaarada beeraha saddex iyo labaatanka sannadood ee qarankani jiray waxa weeye boqolkiiba konton oo ku qiimaysan dhismaha wasaarada iyo qaab dhismeedka maamulka iyo waaxyaha wasaaradda.
Hadaba, ujeedada qormadani maaha mid aan ku caaridiyo wasaaradda beeraha oo ahayd wasaarada hormoodka u ah waxsoosaarka qaranka ee ujeedadu waxa weeye toosin iyo talo bixin.Sidaas awgeed waxan guud ahaan u soo jeedinayaa golaha xukuumada iyo wasaarada beerahaba.
Qodobadan hoos ku qoran oo wasaaradda beeraha ka dhigaya wasaarad yeelata waxsoosaar iyo horumar:-
-Guddoomiyaha golaha xukuumadda oo ah Madaxweynaha qaranka iyo golaha wasiiradaba waxaan leeyahay w/beeruhu waa wasaarada ugu muhiisan ee qaranka iyo shacabkaba ugu howlaha waxsoosaar iyo horumarin waxsoosaar.
Sidaas awgeed xukuumad ahaan-ba waxaa idinku waajib ah in miisaaniyada qaranka, wasaaradda beeraha looguma darro ugu yaraan toban milyan oo dollar oo xukuumadu u hurto waxsoosaarka dalagyada ee Galayda, Digirta, garowga, qamadiga iyo beeraha midhaha iyo khudaarta.
-Xukuumadu waa inay hay’adaha UNDP ee ku shaqada leh beeraha iyo horumarinta, waa in laga dalbo qorshe horumarineed oo sannadkasta wakhtiga dalaga beeraha lagu kabo beeraha beeralayda dalka ugu yaraan lacag gaadhaysa toban milyan oo dolar.
-Waa faa’iidada iyo horumarka hadii alle yidhaa ka dhalan doonna hirgalinta.Laba qodob ee kowaad iyo labaad gaar ahaan qodobka kowaad oo xukuumadu hirgalin karta ahna wax lagu xisaabtami karo A-Faa’iidada iyo horumarka ugu wayn ee hirgalayaa waa shacabka oo ku dhiirada inay ujeestaan waxsoosaar iyo beeralayda oo ka hesha xukuumadeeda dhiirigelin waxsoo saar.B-Faa’iidada iyo horumarka labaad waxa weeye dalagyada beeraha oo boqolkiiba afartan kordha haddii alle yidhaa.
Sidaas awgeed wasaarada beeraha maamulkeed waa wasiirka iyo agaasimaha guud waxan leeyahay wasaaradii beeraha waxa ka dhigteen hay’adaha madhalays ah.Dabcan idiin odhan mayo waxaad tahli-waydeen inaad golaha xukuumada u bandhigtaan sideen cunto ula soo baxnaa oo aan shacabkeena ku dhiiri-gelinaa, Balse mudanayaal waxan idiin leeyahay wasaaradu macrad dowladeed maaha ee waa halbowlihii waxsoosaarka qaranka ee fadhiga kakaca, waayo maahmaah Soomaaliyeed ayaa ahayd “Muruq tabac beereed tahli waayey tabti nolosha muu garan.”
La soco qormooyin kale………………
Qallinkii: Mowliid Aadan Cumar
Tell: 4410898