Ganacsatada Isticmaasha Dekedda Muqdisho oo ku Hanjabay inay u diga-rogan doonaan Dekedo Berbera ka mid tahay

0
288

Muqdisho (CodkaHargeysa)- Ganacsatada dalkaasi Soomaaliya ee badeecadaha kala duwan  ka dejiya dekedda magaalada Muqdisho, ayaa ku hanjabay inay badeecadahooda u wareejisan doonaan Dekedaha dalalka jaarka oo Berbera ka mid tahay, ka dib markii dawladda Soomaaliya ku soo rogtay cashuur xad-dhaaf ah.

mugadishio portGanacsatada Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ka soo waarida dalalka Imaaraadka ee isticmaala dekedda Muqdisho, ayaa madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabtaan cashuuro xad-dhaaf ah oo lagu kordhiyey, haddii kale ay badeecadahooda u wareejisanayaan Dekedo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland.

Afhayeen u hadlay ganacsatada gawaadhida ka ganacsata oo lagu magacaabo Muxiyadiin Guulwade, ayaa sheegay inay ku qarka u saaran yihiin cuna-qabatayn ay ku soo rogaan dekeda Muqdisho, ka dib markii cashuuro xad-dhaaf ah ku soo rogtay wasaarada Maaliyadda Soomaaliya, taasna ay u dheer tahay iyaga oo lacago uu sharci-darro ku tilmaamay lagaga qaado kantaroolo marka ay ka baxaan dekedda.

“Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya waxay ku soo rogtay cashuuro xad-dhaaf ah gawaadhida soo dega, markaan  ka baxno dekeda, hay’ado kale oo xukuumada ayaa cashuur kale naga qaada,” ayuu yidhi Muxiyadiin. Waxaanu raaciyey, “Haddii xaaladani sii socoto, waxaan ku khasbanaan doonaan inaan joojino isticmaalka dekeda Muqdisho, una wareegno isticmaalka dekedaha jaarka ah sida Berbera oo si weyn uga jaban, waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal-wasaare Cabdiweli inay wax ka qabtaan mushkiladan.”

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay wasaaradda Maaliyadda Soomalaiya Cabdillahi Maxamed Nuur, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay cashuuro xad-dhaaf ah lagu soo rogay ganacsatada soo dejiya gaadiidka, waxaanu ku eedeeyey ganacsata inay doonayaan la-baxsiga cashuuraha oo uu sheegay inay qayb weyn ka yihiin dib-u-dhiska dalkiisa Soomaaliya. 

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM