Oslo (CodkaHargeysa)- Waaxda Socdaalka dalka Norway, ayaa shaacisay inay gebi ahaanba mamnuuceen qaxootiga u dhashay dalka Eretria ee dalkooda jooga u socdaalaan waddamada Itoobiya iyo Sudan, ka dib markii la ogaaday inay uga sii dhaafaan dalkooda.
Saraakiil u hadlay Waaxda Socdaalka Norway, ayaa u sheegay wargeyska Vårt Land inuu jiro socdaalo xad-dhaaf ah oo qaxootiga Eretria ee deggan Norway ku tagaan dalkooda, iyagoo sii maraya dalalka jaarka la ah.
“Waa maxay sababta dadka Eretrian-ku u sheegtaan inay ka soo carareen xukuumad cadaadisa, haddii ay sidan ugu noqdaan dalkooda. Waxaan joojinay inay u socdaalaan dalalka Itoobiya iyo Sudan,” sidaas wax sheegay sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka dalka Norway oo u warray Wargeyska Vårt Land.
John Olav Kroken oo ah la-taliye ka hawl-gala waaxda Socdaalka Norway, ayaa sheegay inay yaran doonaan furasadaha magan-gelyo ee ay siiyaan dadka qaxoontiga ah ee u dhashay dalka Eretria.
“Waraaqaha socdaalka ee la siiyo dadka Eretria waxa lagu tegi karaa dhamaan waddamada adduunka, marka laga reebo Eretria, Itoobiya iyo Sudan,” sidaas waxa lagu sheegay wareeegto ka soo baxay Xafiiska Socdaalka u qaabilsan dawladda Eretria.
CODKAHARGEYSA.COM
INFO@CODKAHARGEYSA.COM