Ujeeddada Socdaal Wefti Xukuumadda Somaliland ka tirsan ugu baxeen dalka DJibouti

0
338

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta gelinkii dambe socdaal shaqo ugu baxay magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

XIRSI2Weftiga Wasiir Xirsi oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire iyo Dib-u-dejinta Md Axmed Cabdi Kaahin, ayaa abbaaro 2:30-kii  ka amba-baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaana ujeeddada socdaalkooda tafaasiil ka bixiyey wasiirka Madaxtooyada.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sheegay inay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta dalka Jabuuti,“Safarkani waxa uu noqon doona mid shaqo oo aan kulamo kula qaadan doono Masuuliyiinta Dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti,” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Madaxtooyada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Jabuuti.

XIRSIWasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay inay booqan doonaan degmada Saylac ka dib booqashadooda dalka Jabuuti, isl amarkaana ay kormeer ku samayn doonaan jid isku xidhi doona Saylac iyo Jabuuti oo uu sheegay in dawladda Turkigu ay hore ugu balan-qaaday dhismaheeda, waxaanu yidhi “Waxaanu safar ku tegi doonnaa Degmada Saylac ee Gobolka Salel oo aan kormeer ku samayn doono jid ay hore noogu ballan-qaaday Dawlada Turkiga-ga, kaas oo isku xidhi doona Saylac iyo Jabouti.”

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM