Somaliland iyo Itoobiya oo Iska Kaashanaya Mashruuc Caafimaad oo laga Fulinayo Geeska Afrika

0
350

Hargeysa (CodkaHargeysa)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa si wada-jir ah u daah-furay ololaha Cidhib-tirka Tallaalka Cudurka dilaaga ah ee Dabaysha oo mar kaliya ka wada-bilaabmay labada waddan.

SOMALILAND_ETHIOPIAMunaasibad lagu daah-furay ololahan oo lagu qabtay magaalo-xududeedda Tog-wajaale qaybteeda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxa ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Dawladda Federaalka Itoobiya, Ku-xigeenka Badhasaabka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi, Maamulka Degmada Wajaale, hay’adaha Caafimaadka ee Qaramada Midoobay.

Xafladda lagu shaaciyey ololaha tallaalka Cudurka Dabaysha oo daba-socda kulan magaalada Jijiga ku dhex-maray hay’adaha Caafimaadka Qaramada Midoobay iyo masuuliyiin ka socda dalalka Somaliland, Jabuuti, Itoobiya iyo Jabuuti, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in tallaalka Cudurka Dabaysha oo fara-baas ku haya gobolka mar kaliya laga bilaabo dalalkan si loo xakameeyo Fiditaankiisa, waxaanu ololahani soconayaa inta u dhaxaysa 14-ka ilaa 18-ka bishan June.

Madaxweyne ku-xigeenka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdifataax Maxamed Xasan oo munaasibaddaas hadal ka jeediyey, ayaa sharraxay hindisihii lagu go’aamiyey ololaha wada-jirka ah ee tallaalka Cudurka Dabaysha.

“Ololahani waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore maadaama oo la rabo in isku mar laga bilaabo Itoobiya iyo dalalka aanu jaarka nahay iyo dhammaan Geeska Afrika, waana naiijadii ka soo baxday shir-weyne aanu ku yeelanay Jigjiga oo ay ka soo qayb-galeen wufuud ka socotay dalalka aanu jaarka nahay, waxaana lagu heshiiyey in markii u dambaysay laga cidhib-tiro Geeska Afrika,” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladda Itoobiya iyo Somaliland iska kaashanayaan mashruuca ololaha tallaalka Dabaysha oo ay taageerayaan ha’ayadaha caafimaadka ka shaqeeya ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ahba.

“Waxa iska kaashanaya labada dawladdood ee Somaliland iyo Itoobiya, maadaama dadka labada dhinac yihiin kuwo isku-gudba, xuduudkuna furan yahay, khaasatan gobolka Gabiley,” sidaa waxa yidhi Badhasaab ku-xigeenka gobolka Gabiley oo munaasibaddaas ka hadlay.

Ololahan ku waajahan Tallaalka Cudurka Dabaysha, ayaa noqonaya markii u horreysay ee ay wada-jir isaga kaashadaan xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika oo ah meelaha cudurkani saamaynta ku leeyahay marka loo eego dalalka Adduunka.

CODKAHARGEYSA.COM

INFO@CODKAHARGEYSA.COM